Gabadh hooyaded kacodsatay inay u fasaxdo Zinada(galmada xaranta)

Gabadh hooyaded kacodsatay inay u fasaxdo Zinada(galmada xaranta)

Gabar kasoo jeeda dadkii hore ee
carabta ayaa la sheegay in ay
hooyadeed ka dalbatay in ay u
fasaxdo Zinada, ama galmoodka
xaaraanta ah ee aan guurka ku
saleysneyn.
Balse hooyadaan oo aheyd mid
xikmad badan ayaa sameysay
arin aad u yaab badan oo ay
shuruud uga dhigtay
gabadheeda, hadii ay dooneyso
in loo fasaxo Zinada.
Hooyadii ayaa tiri:
Gabadheydiyeey hadii aad
dooneysid in aan kuu fasaxo
Zinada oo xaaraan ah diin ahaan,
sidoo kalena fool xumo ah oo
faaxisho laga dhaxlo, cuduro
badana ay ka dhashaan, balse
hadiiba aad dooneysid in aan
kuu fasaxo, waxa aad sameysaa
shuruudahan aan kugu xujeyn
doono.
Gabadhii ayaa tiri: Haye ii sheeg
shuruudaha.
Hooyadii ayaa tiri: Waad
baxeysaa beri subax waxaadna
istaageysaa guriga boqorka
iridiisa, marki aad aragto in uu
boqorku soo baxayo, waxaad
isku tuurtaa dhulka, kadibna wixi
aad kala soo kulanto igu soo celi.
Gabadhii ayaa baxday sidii
ayeyna sameysay, boqorkii ayaa
arkay gabadhii oo dhulka ku
dhacday, wuuna usoo orday
dhulka ayuuna ka qaaday,
gabadhii ayaa iska dhigtay wax
soo naaxay, weyna u mahad
celisay boqorkii, gurigii ayeyna
kusoo laabatay si ay hooyadeed
ula socod siiso sida qorshuhu
kusoo dhamaaday.
Gabadhii ayaa hooyadii uga
sheekeysay wixi dhacay, balse
hooyadii ayaa mar kale ka
dalbatay in ay subaxda labaad
sidii oo kale sameyso.
Gabadhii ayaa isla sidii
sameysay, balse markaan
boqorkii laf ahaantiisu ma uusan
soo aadin gabadha, ee waxa uu
usoo diray wasiirkiisa koowaad,
kaasoo gabadha dhulka ka
qaaday.
Gabadhii ayaa markale
hooyadeed u xog warantay,
hooyadii ayaana subaxdii
sedexaad ka dalbatay
gabadheeda in ay isla arinkii
sameyso, gabadhiina wey
sameysay, balse markaana
waxaa loo soo diray ninkii
guriga ilaaliyaha ka ahaa,
boqorkii iyo wasiirkiina wey iska
indha tireen gabadha.
Gabadhii ayaa hooyadeed u
sheegtay arinka, balse hooyadan
oo xikmad damacsaneed ayaa
mar afaraad ka dalbatay in ay
isla meeshii ku noqoto oo ay isla
sidii sameyso, Gabadhii ayaana
yeeshay taladii hooyadeed, balse
tookadan waxey la kulantay wax
la yaab leh, kadib markii ilaaladii
gurigu ay gabadhii laad iyo jir dil
u geysteen, maadaama ay caado
ka dhigatay ficilkaan la yaabka
leh, ayagoo waliba ku dhega
hadlay kuna jees jeesaya.
Gabadhii oo madluunsan ama
murugeysan ayaa usoo noqotay
hooyadeed, mana aysan u
sheegin wixi maanta kusoo
dhacay, hooyadii oo garatay in
xaalku sidi hore ka duwan yahay
ayaa gabadheeda weydiisay,
maxaa kugu dhacay maanta,
qorshihii aan ku direy aaway.
Gabadhii ayaa ku jawabtay, mar
danbe uma noqonayo meeshaas
ee ii sheeg xujadi ma dhamaatay
mise waxbaa ii harsan, hooyadii
ayaa ku jawaabtay 3 maalin oo
kale ayaa kuu harsan in aad isla
sidii sameysid.
Gabadhii ayaase arinkaan diiday,
ayadoo sheegtay in ay maanta
jir dil iyo xad gudub lasoo
kulantay, aysana u noqon
doonin meeshaas.
Hooyadii oo gaartay hadafkii ay
ka laheed arinkaan ayaa
gabadheed ku tiri:
Gabadheydiyeey i maqal,
Zinnadu waa sidan oo kale,
marka hore wax ku rabo oo kor
kuu qaado ma weyneysid, marka
labaadna sidoo kale ma
weyneysid wax kugu sii
qanacsan oo wali damac raaxo
kaa leh, balse hadii aad noqoto
qof la isu sheego oo Zinada
caado ka dhigata, ogoow sidan
oo kale ayuu qof kasta dabada
laad kaala dhici doonaa, ayagoo
waliba kugu jees jeesi doona,
maxaa yeelay karaamadaadi iyo
sharaftaadi ayaad markii hore
lumisay, marna hadii aad lumiso
oo lagu barto, marnaba kuuma
soo laaban doonto.


thumbnail Title: Gabadh hooyaded kacodsatay inay u fasaxdo Zinada(galmada xaranta)
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-30T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gabadh hooyaded kacodsatay inay u fasaxdo Zinada(galmada xaranta)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 30, 2016 and have 0 comments