Gabar 11 jir nin lagu qasbay oo video soo duubtay iney isdileyso

Gabar 11 jir ah una dhalatey dalka yemen ayaa waalidkeed ka soo carartey kadib markii si qasab ah nin loogu guurin rabey. Waa caado dhaqameed naxdin leh. Laakin gabadhaan geesiyada ah ayaa ka soo carartey familkeedii maadaama aysan raali ka aheyn guurkaas lagu qasbaayo oo aysan xiligeedi gaarin.

Gebedhaan magaceeda la yiraa Nada al-Ahdal ayaa u soo carartey adeerkeed oo ka shaqeeya xarun telefishin suurta geliyeyna in shekadeeda uu garsiiyo aduunka.

Gebedhaan haber yarteed ayaa isla sheekadaan qabsatey markii ay yareyd, waxana si qasab ah loogu derey oo loo guuriyey nin markii ay 14 jir aheyd, laakin sanad ka dib ayey is dishey ka dib markii ay u dulqaadan weysay arxan darada iyo dhibaatooyinka loo geyste.

HALKAAN KADAAWO