Jilaaga xoogweynaha Sunny Deol oo sheegay in uu sameynayo Ghayal

Jilaaga xoogweynaha Sunny Deol oo sheegay in uu sameynayo Ghayal

Jilaaga caanka ah Sunny Deol ayaa saxaafada la wadaagay rabitaankiisa ku aaday in filimkiisa caanka ah Ghayal uu qayb sedexaad ka sameeyo.

Ghayal qaybtiisa kowaad sanadii 1990 ayaa la daawaday wuxuuna noqday Blockbuster weyn balse bilawgii sanadkaan Sunny wuxuu Director iyo atoore kowaad ka noqday Ghayal Once Again oo ganacsi ahaan guul dareestay balse sheeko ahaan aad looga helay.

Sidaa darteed Sunny Deol wuxuu yiri “Waxaan doonayaa inaan taxanaha Ghayal sii wado waa hadii qof sheeko fiican iila imaado”

“Markaan Direcrtor kama noqon doono balse waan maal galin doonaa waayo aadbay u dhib badan tahay inaad Director iyo atoore isku noqotid”

58-jirkan oo la weydiiyay waaya aragnimadiisa uu Ghayal Once Again Director kaga noqday wuxuu yiri “Director-nimada waxay aad uga dhib badan tahay filim jilista, marka aad filim jileesid Director ayaa joogo oo kuu saxaayo waxaa ka qaldamay, laakiin marka aad Director tahay ma jiro qof ku saxaayo ileen dadka adiga ayaaba hageysid”

Sunny Deol filimkiisa Ghayal Once Again waxaa TV-yada laga daawan doonaa 26 bishan June ayadoo si toos ah looga soo deyn doono Zee Cinema Channel.

Dhinaca kale Sunny wuxuu ku hawlan yahay labo filim oo dhamaadka sanadkaan soo bixi doonaan kuwaas oo kala ah Bhaiyyaji Superhitt iyo Poster Boyz oo ay Bobby Deol isla jilayaan.


thumbnail Title: Jilaaga xoogweynaha Sunny Deol oo sheegay in uu sameynayo Ghayal
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-22T17:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jilaaga xoogweynaha Sunny Deol oo sheegay in uu sameynayo Ghayal



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 22, 2016 and have 0 comments