Madaxweyne Erdogan oo xariga ka jaray Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)..

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa barqanimadii maanta ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli uu ka yimid dhinaca Magaalada Nairobi.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa uu goor dhow xariga ka jaray Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Magaalada Muqdisho. Safaaradan waxaa lagu sheegay tan ugu casrisan ee Turkigu uu ku leeyahay daafaha caalamka.
Manaasabadda xariga looga jaray Safaaradda, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Safaaradan waxay ku taallaa Degmada C/casiis, waxayna kaabiga ku haysaa Xeebta Liido, waxaana indhahaaga soo jiidanaya qaabka quruxda badan ee Safaaradaasi loo dhisay.