Maxaa timaha bixiya oo dheereeya

Sida badan dad farabadan ayaa ka sheegta tima daadashada siiba marka ay qubaysanayaan ama ay jeefaan, waxay ku badan tahay arrintan haweenka, waxaana keena dhowr waxyaalood waxaa ka mid ah jirka oo waaya vitamiinada qaar sidoo kale adeegsiga daran waxyaalaha kimikaalka ka samysan, sida oomada badan ama saabuunta si xad dhaag loo isticmaalo, arrimahaas oo dhan way keenaan timaha inay kaa dhacaan, ragga qaarkooda bidaar ayaa ka soo baxda

haddaba sideed timaha u ilaalin kartaa

Waxaad isku daraysaa saliid Amla iyo saliid saytuun iyo saliid qumbe iyo saliid loos iyo khirwac (Castor Oil) iyo saliidda geedka jarjiirka , kaddib dabka ayaad saaraysaa waxaad ku daraysaa toon , kaddib waad marsanaysaa markaad qubaysato, waxaad arkaysaa timahaada oo xoog bixiyay oo sii kobcaya, waxaa kaa joogsanaya tima daadashada 


 Akhriso: Daawo celisa timaha dhici raba