naagaha sidee loosoo jitaa

Shukaansi ama Haasaawe waa Sheeko iyo isfahan ka dhex Dhaca laba qofood oo Lab iyo Dhidig ah kaa oo ugu badnaan ujeedkiisu yahay in leys guursado hadii labadaas qofood ay isku qancaan oo uu jaceyl uu dhex maro.

Waxaa jira shaqsiyaad aan Hasaawe dhex marin hadane nasiib u yeesha inay lamaane ku noqdaan Safarka Dheer ee Noloasha, iyo sidoo kale Lamaane jaceyl uu ka dhexeeyay oo mudo is soo shukaansanayay kuwaa oo ugu danbeyn Calafku kala kaxeeyay.

Hadii aan usoo daadago Duluucda iyo Ujeedka Qormada waxaan kaga hadlaynaa Sida aad ku hanan karto qof aadan aqoon u leheyn durba aragti ama kulankiina, iyo Shuruucda Dhaqanka ee soo jiidan karta Haweenka waana Bilawga Qormooyin taxane noqon doona oo aan idinkugu soo gudbin doono hab dhaqamada iyo soo jiidashada.

Raga hadii aad Gabar ama marwo tahay iyo waliba Dumarka hadii aad Tahay Wiil ama Oday ilaa guriga iyo Guriga Dhexdiisa intuba, waxayna Qormadan ku dhisantahay qaab cilmi baaris iyo Waayo aragnimo dad mudo usoo joogay laga soo dhiraandhiriyay.


Aan ku horeyno Bilawga hadalka, marka aad dooneyso inaad Gabar la hadasho aqoon iyo garashona aysan idinka dhaxeyn waxaa fikir kaaga baahan Hanashada iyo soo jiidashada dareenkeeda si aad ujeedkaaga ugu dhaadhacdo. hadaba raac talooyinkan soo socda:
Marka hore inta aadan Qofka u gudbin si dhaqsi leh maskaxdaada uga dhaadhici:-
Inaad-
  • Noqoto Qof Isku kalsoon.
Inaad isku kalsoonaato waxay sababeysaa in dadku kugu kalsoonaadaan, sidaa darteed marka hore naftaada ku kalsoonaaw wax kasta oo aad tahay, foolxumo, hadii Eebe iin kale kugu abuuray, hadii dhib ama dhaawac kusoo gaaray uu muuqaalkaaga badalay intuba.


  • Noqoto qof aan hadalka ka baqan.
Hadalku ma ahan wax dhibaato keeni kara hadii aanu aflagaado, Micno darro ama meelka dhag ku aheyn shaqsiyada qofka, sidaa darteed isku day inaad gabadha dareenkeeda marka hore kusoo jiidato hadal ama ficil keeni kara inay istaagto hadii ay soctay, fariisin kara hadii ay taagneyd hadii kale ugu yaraan sababi kara inay dhageysato waxa damacaagu yahay. mar marka qaar waxaa dhacda in gabadhu ay kaa aamusto ama ay si yasmo leh kuu eegto haka quusan madaama ujeed aad leedahay. markasta isku day inaadan caro iyo dareen badalan u muujin si aad dareenkeeda u badasho ama u hanato si farxad ku jirto oo ka badalan sidii ay ku bilaabatay.


  • Iska Dhaadhiciso inaad Adeegsato Hadalo Miisaaman.
Hadalku waxa uu leeyahay maqaam iyo micno gooni ah oo munaasabad ama ujeed ku yimaada, sidaa darteed haka weecan ujeedka aad leedahay iskuna day inaad miisaanto hadaladaada, ereyada aad adeegsaneysana yaysan noqon kuwo hagardaacin kara Damacaaga. Ogow hadalba hadalka uu ka macaanyahay wuxuu kuu dhaweynayaa bartilmaameedkaagi. Intaa Kadib waxaa kuu fududaaneysa in ujeedkaaga aad abaarto oo aad la hadasho gabadha indhahaagu calmadeen. Hadaba Maxaa Xiga?
Dareenka Qofka waxaa lagu soo jiitaa Ereyo Dabacsan, Waji furan/ Dhoolacadeyn iyo inaad qadarin u muujiso.


  • Ereyo Dabacsan:
Ereyada qofka aad u adeegsaneyso ee ugu horeeya waa waxa Dareenka Qofka soo jiidan kara, Farxad galin kara, kuu suura galin kara inaad ujeedkaaga u sheegto, Maxaa ka mid ah?

Wallow qofkastaa uu Eebe u dhaliyay qaab uu u hadlo ama u adeegsado Ereyada oo uu dadka kale kaga duwanyahay ama aan iraahdo hal abuur u gooni ah ayna kala heli ogyihiin Hadalada hadane Aragtideyda iyo kuwa dadka qaar waxaa inta badan loo adeegsadaa Sida soo Socta:-


Salaan

Salaantu waa Furaha hadalka hadii aanay sheekada ama laqabsiga aysan ku imaan kaftan ka bilawda wax si isku mid ah ay u arkeen, caawimaad midkood midka kale uu u sameeyo, iyo waxyaabo kale oo la mid ah sidaa darteed marka hore qofka Salaan Adigoo adeegsanaya Salaanta Islaamka, iyo Salaamaha Kale ee Bariidinta iyo Dhaqanka.

Tusaale:


Asalaamu Caleykum.
Waan ku salaamay. See tahay Walaashey. iyo kuwo kale oo la mid ah.
Amaan. Gabadha u sheeg waxa ay tahay ama ugu yaraan wax qancin kara sida inaad muujiso Quruxdeeda, Adaabteeda, socodkeeda ama Labiska ay wadato Hadii uu asturnaan yahay.
Tasaale:

Maasha allah Aad ayaad u quruxbadantahay.
Socodkaaga Ayaa aad isoo jiitay.
Qof edeb leh ayaad tahay.
Labiska aad wadato aad ayaad ugu nuureysaa. iyo wixii la mid ah.


  • Waji furan/ Dhoolacadeyn. 
Dadka qaar baa aaminsan in Wajifurnaanta iyo Dhoolacadeynta ay isku mid yihiin iyagoo u sababeynaya in wajiga oo qofka loo fura ay tahay Dhoolacadeynta iyo qofka in loo muudsoodo.halka dadkalena ay ku tilmaamaan waji furnaanta-hadalka iyo deeqsiinta qofka hadalada uu rabo. Sidaa dareed Gabadha si ay muuqaalkaaga ugu qanco u Dhoola cadey ama hadalada deeqsii. waxaa kuu fududaaneyso in halkaas
ay sheeko qurux badan oo labadiinaba aad ku qanacdaan ay ka dhalato.

  • Qadarin.

Gabadha oo aad qadarisaa waxay keeneysaa inay ku qadariso, marka Qadarin u muuji xiliga aad la hadleysid, sii xulasho iyo fursad ay dareenkeeda ku cabirto oo hadalka haka boobin, sababtoo ah waxaa laga yabaa in ay xishooneyso oo aysan hadalka dhinaceeda ka dhacsan karin. Weydii Su’aalo ku saabsan aragtideeda, iyo inay fursad u heli karto inaad sii wada sheekeysataan inta aad xiriirka
(Taleefon, Email ama Tilmaan xaafad) kala qaadaneysaan.


Tusaale:
Iga raali noqo.
Mahadsanid.
Sideed u aragtaa?
dhib miyaad u aragtaa inaan wada hadalno.
Kulankeena sideed u aragtaa?iyo kuwo la mid ah ama ka qurux badan oo munaasabad ama hadba xilli iman kara. Intaa marka aad xaqiijiso waxaad heshay Dhigaaga Hasaawaha hadii ay iyana kuu muujiso dareen la mid ah midka aad qabto.


Qormada Tan xigta waxaan kusoo qaadan doonnaa sida aad u dhaqmeysaan Lamanahaaga cusub, waxa ay ka dhalan karto xiisaha iyo soo jiidashadiina midba kan kale. iyagoo qodobeysan.


Tahlil Colaad Xassan (Tahlayare)
Tahlayare@hotmail.com.