Nin faransiis ah ayaa qorshaynayay in uu "qaraxyo gaysto" inta ay socdaan koobka qaramada Yurub

Nin faransiis ah ayaa qorshaynayay in uu "qaraxyo gaysto" inta ay socdaan koobka qaramada Yurub

Nin faransiis ah oo la xiray bishii hore isaga oo hub badan wata ayaa qorshanayay in uu weeraro badan qaado inta uu socdo koobka qaramada qaaradda Yurub, kaas oo bilaabanaya jimcaha, sida ay sheegeen saraakiil reer Ukraine ah.
Gregoire Moutaux, oo 25 jir ah ayaa laga xiray xadka u dhaxeeya Ukrain iyo Poland.
Vasyl Hrytsak oo ah madaxa sirdoonka ayaa sheegay in ninkaasi uu qorshaynayay 15 weerar ayna arrintaas ku qaaday mabaadiidiisa ku aadan in dib loogu noqdo hanaankii midawgii soofiyeet.
Hrytsak wuxuu sheegay in nin kaasi uu aruursaday qoryo iyo waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado.
Masuulkaas wuxuu sheegay in meelaha uu qorshaysatay in uu qarxiyo ay ka mid ahaayeen buundooyin, wadooyin, masaajid iyo meel ay yuhuudu ku cibaadaysato.
Waxaa lagu dacweeyay in uu qoryo si sharcidaro ah ku gudbinayay iyo argagixisanimo sida uu sheegay Hrytsak. Ma cada in ciyaaraha laftirkooda uu bartilmaameedsan rabay.


thumbnail Title: Nin faransiis ah ayaa qorshaynayay in uu "qaraxyo gaysto" inta ay socdaan koobka qaramada Yurub
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-07T08:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Nin faransiis ah ayaa qorshaynayay in uu "qaraxyo gaysto" inta ay socdaan koobka qaramada Yurub



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 07, 2016 and have 0 comments