Qiso caajib ah oo qosol leh fb ka dhacday

Qiso caajib ah oo qosol leh fb ka dhacday

***** Qiso caajib ah oo qosol leh fb ka dhacday *****
Dhacdooyinka Layaabka leh waa kuwa maalin kasta kusoo kordhaya Xasuus qoraha dhacdooyinka Waxaa Dhacdo layaab leh ka dhex dhacday Aalada Facebook-ga oo inta badan Soomaalidu isticmaasho
Cumar Xasan waa wiil Soomaaliyeed isticmaalana Facebookga waxaa ku dhacday dhacdo qosol badan taasuu kaa sheekeeyeeey 
Habeen habeenada ka mid ah ayaa si sahal ah waxaa iigu soo darsatay Saaxiibtinimada Facebook Friend Request Gabadh aad uu qurux badan waa sawirka waqtigaasi uu saarnaa Run ahaantii wax aan ku tilmaamo magaran karo Balse waxaan xariir wadaagnaba runtii damac aad u sareeya ayaa iga galay waxaan codsaday inaan helo xariirkeeda haba ugu horeeyo taleefankeeda waqti walba waan is wici jirnay iyadoo iisoo baaqi jirtay ana si dag dag ah ayaan u wacayay


Gabadhu waxay ku nooleed Qaarada yurub waqtigaas oon anigu ku sugnaa Dalka Musambiik oo Daris la’ah South Africa gabadha waan is dhex galnay habeen walba anigoon codkeeda maqlin ma jiifan jirin waxaan iska dareemay Jaceyl ugu danbeyn Gabadhu waxeey habeen dhaaf iigu soo diri jirtay Sawir aad uu qurux badan oo shidan kii ay habeen dhaweed soo galisay Facebookgeeda mar walba waxay ku andacoon jirtay ineeysan heysanin Kaamirada la iska arko ee Computerka Balse ay igu qancisay ineey mar walbo sawir iisoo direyso waxaan wada soconaba waxay ii sheegtay ineey jeceshahay ineey imaado
Dalka aan joogo si aan u wada aqal galno Waxeey ii bartay Qof ay iigu sheegtay Hooyadeed oo ay wada nool yihiin aniga waxaa i galay Kalsooni xad dhaaf ah waxaan aaminay ineey gabadhaan daacad ka yihiin wax walbo oo ay ii sheegto ugu danbeeyn cabadho dhanka dhaqaalaha ah ayeey ii soo ban dhigtay iyadoo i dhahaysa Passportkii aan kugu imaan lahaa iga xayiran lacag 1,000 dollar ah ( Kun Dollar) codsatayna inaan uu soo diro Anigoo ku fududaaday inaan u diro Lacagtaas ayaan waliba u raacshay lacago dheeri ah si ay ii xasuusato mar walba kuna iibsato waxyaabaha ka dhimnaada 
Balse sheekadu sidaan moodayay ma ahan waxaan si lama filaan ah u waayay Gabadhii
Taleefanka waa ay iska badashay Cinwaankana waan ka waayay tix raac badan ayaan ku sameeyey waxaan arkay Sawir ka mid ah sawiradii ay soo galin jirtay oo la dhahayo Heblaayo ahaa meeshaana maxaa keenay Sawiradeeda Kaasoo Magaceeda Click lagu siin karo oo Profile keeda toos loosii tagaayo magacii hadaan sii raadraacaba waxaa ku jira Sawiro Update ah kuwaasoo Daqiiqad daqiiqad loo soo dhigayo Wallka gabadhii dag dag ayaan ugu darsaday oo Nasiib wanaag way ii soo aqbashay
Waxaan war uga bilaabay Heblaayo waa lagu waayaye xageed ka baxday waxay i dhahday xagee igu baratay hada ayaadba igu soo darsate ma qof i garanayaa? Filan waa ayeey igu noqotay waxaan gabadha wada hadalnaba maalintii sedexaad ayaan taleefankeeda ka qaaday anigoo waxa jira uu sheegay Waxay gabadhii igu qancisay Kaamiradeeda oo waaba isku mid Sawirada ay gabadhii hore soo galin jirtay iyo wajiga gabadhaan cusub taas waxaa kaaga daran maahan isku cod mana joogaan isku dal waxaana ii cadaatay in la igu dhacay Sawirka Gabadhaan oo been la igu shukaansaday waxaan uga Digayaa Asxaabta Cusub ee Falalka nuucaan oo kala ah kusii jeeda ineey ka feejignaadaan waana Dhac farsameysan hana la iska ilaalsho ........... waaaa Dagniiin wanaagsan
thumbnail Title: Qiso caajib ah oo qosol leh fb ka dhacday
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-16T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qiso caajib ah oo qosol leh fb ka dhacday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 16, 2016 and have 0 comments