QISO CAJIIB AH.

QISO CAJIIB AH.

QISO CAJIIB AH.
Nin Boqor ahaa ayaa wuxuu lahaa Meel ay ku
Xareysan yihiin 10 Eey oo Dad cun ah, Qofkii Dambi
Sameeya ayaa lagu Dhex Tuuri jiray meesha ay
Reyuhu ku jiraan.
Maalin Maalmaha ka mid ah Nin Shaqaale u ahaa Boqorka oo u Shaqeynayay Muddo 10sano ah
ayaa
Dembi Galay, kadib wuxuu Boqorkii Amray in
Ninkaas lagu Tuuro Eeyaha Xeradooda.


Ninkii ayaa ka Codsaday Boqorkii in la siiyo Fursad
10 Maalmood ah, ka hor inta aan la Dilin, Codsigiisana
waa laga Ogolaaday.
Ninkii wuxuu Aaday meesha Eeyuhu ku jiraan,
wuxuuna Weydiistay Ninkii Eeyahay
Xanaaneynayay
oo Eeyaha Masuulka ka ahaa, inuu mudo 10maalmood ah ka Shaqeeyo meesha oo uu
Eeyahay Xanaaneeyo, Ninkii Eeyahay Masuulka ka
ahaana wuu ka Aqbalay Dalabkiisa.
Wuxuu Bilaabay inuu Eeyahay Quudiyo, la Ciyaaro,
isagoo ugu Dambeyn ka Dhigtay Saaxiib ay aad u
Jecel yihiin. Waxaa la Gaaray Mudadii la Dili lahaa Ninkii,
waxaana
lagu Dhex Tuuray Halkii ay Eeyuhu ku jireen, balse
waxaa Boqorkii iyo Dadkii u soo Daawasho Tagay
Ciqaabta Ninka ay layaab ku noqotay in Eeyihii oo
Dhammi Ninkii ku soo Ordeen oo ay Bilaabeen inay Korkiisa Fuulaan oo Hareerihiisa Istaagaan ayagoo
aan Wax Dhib ah u Geysaneyn.
Boqorkii ayaa Weydiiyay waxa uu Eeyaha ku
Sameeyay, Ninkii wuxuu ugu jawaabay:- Eeyahaan
waxaan u Shaqeynayay Muddo 10maalmood ah,
mana aysan iloobin Abaalka aan u Galay, balse Adiga
waxaan kuu Shaqeynaayay Muddo 10sano ah, Hal
Maalin oo aan Qalad Galay ayaad ku iloowday
Abaalkii aan ku soo Sameynayay 10kii sanno.
***************************
XIGMADA SHEEKADA WAA: Haddii uu Qof Qalad kaa Galo, Xanaaqu yuusan ku Gaarsiin inaad Hilmaanto
Abaalkii iyo Wanaagii badnaa ee Qofkaas hore
kuugu Sameeyay. (ALLOOW NAGA YEEL KUWII
ABAALKA LOO GALO SI
WANAAGSAN U GUTA)
thumbnail Title: QISO CAJIIB AH.
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-30T19:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
QISO CAJIIB AH.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 30, 2016 and have 0 comments