Raila Odinga: Hadii askar Kenyan ah lagu laayay Somaliya, maxay tahay sababta Qaxootiga loo celinaayo..

Hogaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumadda Kenya ay ku doonayso inay dib ugu celiso Qaxootiga Somaliyed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya. 
Raila, ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in marka hore ay damaanad qaaddo ammaanka qaxootiga ka hor inta aan lagu celin waddankooda. 
Waxa uu tilmaamay hadii askar badan oo Kenyan ah lagu laayay gudaha dalka Somaliya, taasi macnaheeda inaysan aheyn in Qaxootiga la raro oo Somaliya lagu celiyo. 
“Haddii askarta lagu dilay Somaliya, maxay yihiin dadkan rayidka ah ee ka tagaya Dhadhaab, waxaad u diraysaan dhimashadooda” ayuu yiri Odinga.
Hadalkan ayuu raila Odinga, ka jeediyay isu soo bax Axaddi ka dhacay magaalada Garissa. 
Waxa uu ku taliyay in dowladda Kenya ay dib u dhigto dib u-celinta qaxootiga, guryana ay uga sameyso dalka Soomaaliya ka hor inta aan la celin. 
Dhadhaab waa xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka, waxaa ku nool in ka badan 300,000, oo qaxooti, badankooda ay yihiin Soomaali.