Shamso Axdigii Ayaan Sidaa Adiguna Nabsiga Qaado (Waa Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)

Shamso Axdigii Ayaan Sidaa Adiguna Nabsiga Qaado (Waa Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)

Liibaan waa wiil somaaliyeed misna da’yar waxuuna jiraa 22 sano isagu waxuu ahaa wiil aad ufir fircoon misna yaqaano la dhaqanka bulshada oo la noolyahay liibaan waxuu aad ujecelyahay dhageesiga heesaha gaar ahaan heesaha soomaliga ah , liibaan waxuu ku noolyahay wadanka Djabouti.

markuu in muda ah ku noola ayuu go’aansaday inuu qabto kenya si uu nolashiisa ugu hormariyo una helo leen si uu yurub u aado,
liibaan waxuu yimid kenya gaar ahaan magaalada nairobi inkastoo uu la qabsan waaye kenya ayuu go’aansaday inuu yeesho lamaane misna helo gabar ku dabeecad ah si uu uhelo wehel , taas ayaa isagu ku qaadatay mudo in uu raadiyo

Liibaan waxeey xiriir walaaltinimo ku dheehan tahay yeesheen gabar iyadana lagu magacaabo Shamso Ahmed.
Shamso, waa gabar aad u da yar misene aftahan ah Taas ayaa keentay in uu liibaan la Saaxiibo.
Liibaan iyo Shamso” waxeey ahaayeen laba walaal tinimda isku qiimeeyo .
Liiban isagu wuxuu wali baadigoob ugu jiraa sidii uu ku heli lahaa lamane wanaagsan , Liibaan oo habeen fikiraya lana hadlaya qalbigiis ayaaa yiri.
Waxaan jeclahay in aan helo gabar aad u wanaagsan laakiin ma heesto laaakiin ayuu yiri .

Shamso, oo aan is fahanay dhanka dabeecada iyo la dhaqankeenaba hadaan iyada lamaane ka dhigto side noqoneeysaa! maya maya ma yeeli karo oo waxaan nahay sxbo caadi ah laakiin buu yiri i sagoo lahadlaya qalbigiisa .

Aduunyada waxaa ugu wanaagsan labo sxbo ah misena jaceyl isku badala sxbtinimadooda oo waxeey noqonayaan laba dhan kasta isku fahmi karaan, liibaan wuxuu go’ aansaday in uu Shamso” u ban dhigto jaceylkiisa , habeenkii xigay uyuu Liibaan intuu u yeeray Shamso” ku yiri, Caawa waxaan kaa lee yahay arin ee ina keen aan banaanka u baxnee, Waa lees wada raacay oo meel dhinac ah ayaa loo baxay si loo wada sheekeysto .

Shamso” iyadu ma oga wixii loo soo kaxeeyay laakiinse la ogaan doonee
Liibaan aya hadalkiisa ku bilaaway,
inan yaheeey
Amiintii alla keenaba
Amaan iyo sharaf
Aqlaaq iyo aqoon
Asluub iyo itaal
Allahey inuu ku siiyo
Ayaan kuugu duceynayaa
Anigoon waxba dhadhamin
Afkeyga wax marsiin
Albaabka aqalkiina
Aragtidaada aawadeed
Soo uma daawado
Oraah deydana waa
Inaad I adeecdoo
Afadeydii noqotaa
Intaas ka dib ;Shamso” ayaa dhabanada qabsatay kuna tiri, Aboowe sideey kaa noqotay aniga waxaan ahay walaashaa waxaana naga dhaxeeyso sxbtinimo aan caadi ahayn Sida Caadada u aheyd gabdhaha soomaalida ayay waxay raacsiisay xitaa waxan lee yahay lamaane Nolasha Naga Dhaxeyso!
Liibaan dhulkii baa la gariiray dhididna ka soo daatay Sidaan oo kale ayeey u dhib badan tahay wixii lagu fududaado oo horaa loo yiri “:keedkii orod lagu koraa orodbaa loogu soo dagaa”
Liibaan isagu ma uusan hubsan in Shamso” lamane kale leedahy
Meeshii ayeey ugu dhaqaajisay liibaan markaas ayuu geeraarkan ku dhuftay.
Waxaan daaqayaa
Dan iyo jaceyl
Waxaan daawanayaa
Dooq iyo haween
Sidey ii daandaansheenoo
Darbiyada iigu tureen
Dabagal maanan yeelan
Dabasocod maan sameynin
Durbaba haf baan
Lasoo iri danteydee
Dabool baan ka qaaday
Laabta wixii iigu daboolnaa
Dagaal iyo caashaq
Yaan lagu degdegin
Hadeynan ku soo doonaan.

Liibaan wuxuu bilaaway in uu dhageysto heesaha jaceyl ka ah taas oo aay ka wada siman yihiin lamaanayaasha markii midkood kali dareemo ama cidlo,
liibaan dhibaatada heysato oo eheed ninkii bashaashka ahaa oo aan hadli karin sheekaba iska daayee ninkii kaftami jiray oo kaftankii iska jaray ninkii xaragada badnaa oo libiskii iska dayay meerashaba warkeeda dhaaf.

Shamso “dhibaatada heysata liibaan iyada aad beey ugu xumeed oo waa tan markii dambe go,aan satay in aay wax la qabato si liibaan nolashiisii wanaagsaneed dib ugu soo laabato, inteey qolkiisa soo gashay ayeey maqashay hees jaceyl ah oo udaarneed liibaan , heestaas oo xiligaas aad u qabsatay dhalinyarada heestana wxaeey aheed,

Dunida adaan kaa rabaa
Daa,in intuu abuureee
Dooqeeygaa ku raacoo
Ku dalbaday deeqday maankeyga
Adigaa degay qalbiga
Wadnaha dacalkiisee
Soo dago i daawee
Alla soo dabac idaawee
Soo dagoo i daaweee.
inteey sariirtii uu jiifay Soo dul istaagtay oo wajigiisa wajiga usaartay dhabanada ka qabsatay ayeeey ku tiri waan soo dabcee istaag
Liibaan farxad ayeey u noqotay hadaladii la yiri waa tuu in tuu kacay oo uu ku booday uu Shumis Labada Dhaban QabsadaY
isku hambalyees ayaa meeshii ka bilaabmay, aboowe iyo abaayo, macaan iyo macaantoo, xabiibi iyo, xabiibti qalbiga iyo wadnaha, dhiiga iyo dhuuxa ,indhaha iyo araga, ereyadaas ayaa lees dhaafsaday.
isla qolkii dhaxdiisa ayaa balan iyo axdi adag lagu dhigtay balantu maxeey tahay taas ayaa isweydiis mudan?

balantu waxeey eheeed in labadooda isku kalsoonadaan xitaa hadii dhibaato ka timaado labada qoys midkood leeskuna go,o oo aan marnaba lakala fogaan oo la noqdo laba ubax oo aan dhaxdooda qodaxi soo gali karin mooyee in uu ubax kale ka dhax dhasho intaas iyo in kale ayaa lagu balamay walibana leesku adkeeyay oo leesku sii adkeeyay.
bilooyin markii sidaas la ahaa oo wanaag lees kugu daadihinayay jaceylka ayeey noqdeen waa Liibaaan iyo Shamso e laba aan ku tilmaami karo qeys iyo Leyla ,Cantar iyo ceebla,far iyo faraanti,
Libaan mar waliba oo aay labadooda kaftamaan wuxuu dhihi jiray Shamso macaney heestaan aya ikaa jecleesiisay moye adiga kumaan heli laheyn laakiinse hada waxaa dhab ah in aan sida runta ah kuu jeclahay aan xitaa reerkeyga aan kaaga soo go,i karo .

Shamso iyaduna waxeey ku tiri, markeygii hore jaceyl kuuma aanan heyn laakin hada waaxyaha jirkeyga meel waliba adigaa ka degan oo kaama maarmo macaan waxaad tahay qalbigeyga dhaqdhaqaaqiisa.iyadoo farxad lagu wada maanshoonaya ayaa Shamso waxaa usoo baxday Visihii ay sugaysay Oo waxa ay u amba baxday Boqortooyada Ingiriiska Magaalada Bristol halka Liibaan Uu ka gubtay leenkiisii laakiin nasiib wanaag Liibaan waxa uu kalsooni kuqabay gacalisadiisa Shamso in ay mar walba u maqantahay isaga,  oo iyadane ay ka balan qaaday in ay meesha ka kaxaynaysa geed dheer iyo mid gaabana u fuulaysa sidii ay hal hoy ugu wada hoyan lahaayeen waliba ay ku qancisay labadeena inaan is guursano anigaa kaaga Oon badan iyo hadalo sagootin ah .
 Liibaan wuxuu kusoo haray goob cidlo ahwuxuu dareemay jaceylkii aan ku tilmaami karno mid Romance dhaafay inuu waayay oo uu kaligiis qol dhex fadhiyo.

Liibaan iyo shamso waxay noqdeen dad ka wada xiriira barta internetka iyo talfonka gacanta laba bil kadib Shamso waxay bilowday caga jiid waxayna la qabsatay nolasha wadanka ay ku nooshahay Waxay fahantay barafkii iyo qabowgii waxayna samesatay Jaceyl cusub taasi liibaan war uma hayo wuxuu garaaca taleefonka Shamso laakiin nasiib xumo waxaa lagu dhahaa fadlan codkaaga ii reeb mashquul ayaan ahay aniga kusoo wacayo oo cajal ayaaba ka qabto , wuxuu reebaa fariin laakiin cidna dheg jalaq uma siiso oo looma istaajiyo liibaan waxaa kusii kululaaday karkarkii jaceylka halkii ugu xumaa wuxuu daris la noqday ciil wuxuu saaxiib la noqday cuqdad wuxuu kudhex noolyahay cadow jaceyl oo saaxiibadiisa markii uu jaceylkisa kala hadlo waxay u arkaan nin waalan oo qurbaha ku cusub ama jaceylka ku cusubyahay waxay dhahaan qaarkood saaxiib aduunyadan been ayaa ka dhaqanto gabadhas intey kula joogtay ayay aheyd .

Dhanka kale Shamso waxay jilaysaa jaceylkii ugu macaanaa oo habeenka Sunday Nigth-ka waxa ay aadaa meelaha loo dalxiis tago magaalada iyadoo wadata ubaxeeda iyadoo aan marna soo xasuusan Jaceylkeedii hore isla markaana xligaan uu aad u jecelyahay .

Maalin maalaha kamid ah ayuu Liibaan waxa uu qaatay Number Cusub waxa uuna garaacay Talefonka Gabadha uu wali u heysto inay isaga jeceshahay laakiin isaga aadka uu u jecelyahay nasiib wanaag Shamso ayaa qabatay talefonka ku cusub iyadoo is weydiineyso tallow waa qofma qofkan? Liibaan ayaa hadalka si boobsiis ah ku furay saan miyaa jaceylka saan miyaa macaaney maxaa sidaan dhan iigu nacday fadlan telka ha igu damin iyo calaacal fara badan Laakiin Shamso ayaa si degan ula hadashay oo ku dhahday Liibaan Aboowe Runta waalama huraan intaan ka badan inaad daal marto ma jecli codkaaga markan maqlay waxaan soo xasuustay waqtigii quruxda badnaa ee aan soo wada qaadanay laakiin waanka xumahay waxaa nakala geeyay waqtiga iyo waayaha ma jecleen in intaan ka badan aad ciqaad marto fadlan iska iloow Riyooyinka xageyga ah halkaasna haku ekaado waqti wanaagii iyo waqtigii mugdiga ah ee aan wada qaadanaya Liibaan ayaa Ku Baroortay Shamso Isagoo usheegay Inuu Iyada jaceylyahay jaceyl xad dhaaf ah waliba waxa uu ku yiri lagama yaabo inaan qof kale xiriir la sameeyo Ee Adiga Kaiya ayaan ku sugayaa
Kadibna Intuu Ooyay Ayuu kudhahay ""Shamso Axdigii Ayaan Sidaa Adiguna Nabsiga Qaado""
Waleee Shamso Ahmed Iyo Liibaan Jaceyl Ayaa dhex maray kuna DHmaaday Fashil Aaween Labadii Qeys Iyo leyla , Cantar Iyo Ceebla aaween Farti yo Faraantigii Lagu tilmaamayay 
Aqriste Liibaan waa mid Talo U Baahan Fikir ahaantaada maxaad ku saacideysaa ?



Shamso maxaad Kula Talin laheyd iyadane?

Waxaa Diyaariyay (Mohamed AminCarab)

Shumis Kala Soco Arimaha Bulshada
thumbnail Title: Shamso Axdigii Ayaan Sidaa Adiguna Nabsiga Qaado (Waa Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-30T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Shamso Axdigii Ayaan Sidaa Adiguna Nabsiga Qaado (Waa Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 30, 2016 and have 0 comments