Soomaalida ku Nool Dalka Norweyn oo Facebook dhan ka Fogaaday ka dib Soomalai badan oo sharciga ku weysay facebook ka….

Soomaalida ku Nool Dalka Norweyn oo Facebook dhan ka Fogaaday ka dib Soomalai badan oo sharciga ku weysay facebook ka….

Soomaalida ku dhaqan wadanka Norwey qaarkood ayaa ka fogaaday isticmaalka baraha bulshada ay ku xiriiraan gaar ahaan booga Facebook.

Arintan ayaa timid ka dib markii dowlada Norwey ay dhowaan sheegtay iney dalkaas ka masaafurineyso dad gaaraya shan boqol oo Soomaali ah kuwaasoo qaarkood lagala noqday sharcgii degenaanshaha iyo dhalashadii wadankaas halka kuwo dhowaan dalkaas qaxootinimo isaga dhiibayna loo diiday in sharci la siiyo.

Dowlada wadanka Norwey ayaa ku eedeeyeysay dadkan Soomaalida ah ee la masaafurinayo iney ka been sheegeen qaabkii ay markii hore ku soo galeen dalkaas iyo degaanada ay sheegteen iney ka soo jeedaan.

Dadka loo sheegay in Soomaaliya dib loogu celinayo ayaa badankood waxay ka soo jeedaan degaanada Somaliland iyo Puntland oo dowlada Norwey ay aaminsan tahay iney yihiin degaano nabadeed, iyadoo dadkan markii ay wadankaas iska dhiibayeen ay sheegteen iney ka soo carareen Koonfurta Somalia oo dadka ka yimaada ay dowlada Norwey ay sharci qaxootinimo siineyso maadaama dagaalo ay ka jiraan.

Dowlada Norwey ayaa sheegtay in dadka la celinayo la ogaaday ineysan ka imaanin koonfurta Somalia ka dib markii dabagal lagu sameeyey barahooda Facebook-ga, lagana ogaaday xogta ugu qoran iney ka yimaadeen degaano aan aheyn koonfurta Somalia, waxaana qaarkood laga helay barahooda facebook iyagoo isku sawiray calamada Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Wixii markaas ka dambeeyey ayaa Soomaalida ku dhaqan wadanka Norwey waxay bilaabeen iney ka fogaadaan isticmaalka Facebook, halka qaarkoodna ay iska xireen, iyagoo sameystay baro cusub oo ku qoreen iney ku dhasheen degaano ka tirsan koonfurta Somalia.

Dadka lagala noqday sharciyada dalkaas iyo kuwa loo diiday in la siiyo ee dib loogu celinayo Soomaaliya ayaa eersaday barahooda facebook-ga oo marna aysan fileyn in dhibaato noocan ah ay ka soo wajihi karto.

Meelaha kale ee laga ogaaday in dadka tarxiilayo aysan ka soo jeedin koonfurta Somalia ayaa waxaa ka mid ah shirkadaha xawaaladaha markii dowlada Norwey ay ogaatay iney lacago bil walba u dirayeen eheladooda oo kala jooga degaano u badan Somaliland iyo Puntland.


thumbnail Title: Soomaalida ku Nool Dalka Norweyn oo Facebook dhan ka Fogaaday ka dib Soomalai badan oo sharciga ku weysay facebook ka….
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-18T18:55:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Soomaalida ku Nool Dalka Norweyn oo Facebook dhan ka Fogaaday ka dib Soomalai badan oo sharciga ku weysay facebook ka….



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 18, 2016 and have 0 comments