Todobo jirkii Japaniska ahaa ee la dayacay "aabihii wuu cafiyay"

Todobo jirkii Japaniska ahaa ee la dayacay "aabihii wuu cafiyay"

Aabaha dhalay wiil yar oo la la’aa lix maalmood kaddib markii ay waalidkii si ula kac ah ugaga tageen dhul buuralay ah oo Japan ku yaala ayaa sheegay in wiilkiisu uu cafiyay.
Yamato Tanooka oo todobo sano jira ayaa la helay jimcihii isaga oo nabad qaba balse fuuq baxay.
Image copyrightAP
Image caption
Yamatook oo caafimaad qaba ayaa isbitaalka ka baxay
Wiilka ayaa afar kiiloo miti ka durkay meeshii ay waalidkii kaga tageen markii hore si kooban ugaga tageen iyaga oo ku ciqaabaya kaddib markii uu dhagaxaan tuuray.

Muuqaal qiiro badan oo laga sii daayay talafeshinka Japan ayuu wiilka aabihii Takayuki Tanooka ku sheegay in uu wiilkiisa raali galin ka dalbaday maadaama uu wakhtigaas dhibka badan u horseeday.

Isaga oo ilmo isku celinaya ayuu sheegay in wiilkiisu uu ugu jawaabay oo ku yiri “Aabo fiican ayaad tahay. Waana ku cafiyay.”



thumbnail Title: Todobo jirkii Japaniska ahaa ee la dayacay "aabihii wuu cafiyay"
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-07T23:49:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Todobo jirkii Japaniska ahaa ee la dayacay "aabihii wuu cafiyay"



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 07, 2016 and have 0 comments