Waxyaabaha Welwelka iyo Walbahaarka ku keena qofka qoxootiga ah iyo Calaamadaha lagu garto

Waxyaabaha Welwelka iyo Walbahaarka ku keena qofka qoxootiga ah iyo Calaamadaha lagu garto

Waxyaabaha Welwelka iyo Walbahaarka ku keena qofka qoxootiga ah iyo Calaamadaha lagu garto

Qaxa iyo Qoxootigu waa wax ILLaahay laga hoos galo oo laga ducaysto ,sababtoo ah qofna ma jecla in gurigiisa uu ka qaxo,hadii ayna ku kalifin duruufo gaara ,marka dhibaato ay dhacdo ee dadku qaxaan waxa ay aadaan deegaan xasiloon oo ay ku badbaadaan , dabadeedna waxay raadiyaan sidii ay u samato bilxi lahaayeen ee ay u heli laaheeyen kaalmooyin bani’adanimo iwm.sidaas awgeed dadku marka ay qaxaan wax ay isugu jiraan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka koobantahay , iyadoo marka ugu horaysa loo kala saaraa qoxootiga labo qaybood oo kala ah sidan:-
A). Qoxootiga wadanka gudihiisa ku ah Qoxooti oo u sii kala baxaya Qoxootiga reer Baadiyaha ah (
Rural Refugees) iyo Qoxootiga loogu yeedho baro kacaayaal (Displaced refugeesB). Qoxootiga Reer Magaalka ah(Urban Refugees) Qoxooti Wadammada dibeda u hayaama ee loogu yeedho magangalyo doonka (Asylum Seeker)

Welwelka ugu horeeya ee Qoxootiga saameeya

Dadka qoxootiga ahi marka yimaadaaan deegaan cusub waxa ay ka simayihiin saddex welwel oo ah sidan
 1.Xaaladaha khusaysa noloshiisa( Qoyskiisa, in isbadel uu sameeyo, iyo In Nabadgleyo uu ku noolaado )
 2.Marxalladaha Bulshada dhexdeeda ( Is dhexgalka bulshada, Qaraabada iyo Asxaabta)
 3.Xaaladiisa Caafimaad ( aan lahayn xanuun Maskaxiyana iyo xubno jidhka ah oo deeqaha Eebe ay ka dhimanyiiin.



Saddexda walbahaar xusuusta ku reeba maskaxda qofka qoxootiga ah

Murugada Xusuusta Xaaladihiisii hore ee tagay ( Deegamadii uu ku korey, iyo dhibaatadii soo martey) 2. Welbahaarka Xaalada degaanka uu suganyahay ( Diinta, dhaqanka, luqada iyo Cimilada ) 3. Walaaca Mustaqbalkiisa ( Qoyska oo aan baahnayn, sharci, waxbarasho, Shaqo Raysamaal , Cimriga iyo Caafimaadka )


Maxaa keena welwelka qoxootigu in ay murugoodaan ?

Welwelka waxaa keena saddex arimood oo ah kuwa muuqda ee la isku raacey ee la soo gudboonaada qofka qoxootiga
1. Welwel kedis ah ama ku soo boodo ah ( Acute Stress) Geerida qof aad jeceshahay, Masuubooyinka Dabiiciga ah iyo Shil culus

2. Welwel dabo-dheeraada: ( Chronic stress) Xanuun dabo-dheeraada,Xerooyinka Qoxootiga ee lagu ku raago, sharciga oo ka raaga, Shaqo mashquula, shaqo ka fadhiisiin Imtixaanka la dhaco, iyo kala taga qoyska)

3. Welwelka maalinkasta Jooga: ( Daily hassles stress) Gadiidka dawaynaha oo daaha, shaqada laga daaho, Jidka oo xidhma, Baabuurka ama buskulaytiga oo jaba iyo Is-bedelka hawada.


Afarta qaybood ee Welwelka iyo Walbahaarku ay ka abaaraan qofka Calamadaha uu dareemo Jidhka qofka welwelsan ( Body Stress symptoms)


Madax wareer, jidh cuncun, qoor xanuun, garbo xanuun, calool xanuun,dhagaha oo foodhya, yalaalugo, dedeg wax cunid,cunto yaraan, hurdo yaaran , fadhi badan, tamar la’aan, socod jiho lahayn, caajis,dib dambe u qoslin, kali socod, wax aan macno lahayn isku mashquuliya.

 2.Calaamadaha Saameeya Niyadda qofka welwelsan (Emotional stress-symptoms)   Deganaansho la’aan, dib u gocasho,inla xumaynayo aamina, jecel sida uu jecelyahay loo jawaabo ama wax loola arko).


3.Calamadaha Saameeyaa Dabeecada qofka welwelsan (Behavioural stress -symptoms) Muran , dhakhso u ooya, indhaha ilmo ku joogsato, hurdada ilkuhu is lisaan, cidiyo qaniin, xanjo calalis badan, gujin, canaan badan,inkiraad.badan wanjalaad badan ,cabida Shaah iyo kaafee badan, iyo balwad xad-dhaafa sida Sigaarjka, Tubaakada, khamrada iyo jaaadka , xaga xun wax ka eega, sharciga eedeeya, markasta gafa hadana raali gelin badan,khaa-khaayiraad(indho ka hadal), jecel in dadku ay siiyaan taxadir isaga u gaara , ururiya sheekooyinka bulshada ka baxsan ee anshax xumada ah, ku wiirsada Adoonka ay ka dhimanyiihiin nicmooyinka Eebe ( laxaadka iyo nolosha) iyo -Diinta iyo dhaqamada oo uu ku jeesjeeso


4.Calaamadaha Saameeya Fikirka qofka welwelsan( Mental stress -symptoms) Go’aan la’aan,iloowshiyo badan iyo xusuus   la’aan, maan guur, aan deganayn, Currin yar, qorshe xumo, waxba xalin karin.


Welwelku qofka iimankiisa ayaa nuqsaama oo damiirkiisa ayaa hoos u dhaca kaas oo ku dambeeyo niyad Jab keena qalbi jab (depressionku abuuraa muruqo iyo walbahaar joogto ah isagoo wax walba ka soo maga (apathy )dabadeedna waxa uu noqdaa qof aan waxba xeerin oo akhlaaq xun oo ku nafisa marka uu gacan ka hadal sameeyo ama afkiisa ay ka soo baxaan hadalo xun oo karaahiyo ah oo dhibaateeya naftiisa ama bulshada, ismana ogo inta uu samaynayo uu ficilada noocaas oo kale ah .


Hadii uu welwelku iyo walbahaarku ay ka xoog bataan qofkaasu Waswaas ayuu ku dambeeyaa wax kasta ka shakiya iyo cabsi saa’ida oo haatuf iyo jin ayaa ka adeegta qalbigiisa oo haasaawiya ,dabadeena naftiisa ayuu waydiiyaa su’aalaha aan jawaabta lahayn.


Welwelka ugu wayn ee Qoxootiyaddu ay la kulmaan


Sidoo kale welwelka iyo walaaca ugu wayn ee Qoxootiga ku nool dalalka shisheeye waa ka loo yaqano(HOMESICK ) ee ay qaloodaan qoxootigu oo ay tabaan in waxbadan ay ka maqanyihiin oo ku hilowda sidii ay ugu noqon lahayeen dhulkoodii hooyo , sida Soomaalida oo kale oo inta badan guryaha ay u yaaliin uguna xidh-xidhanyihiin boorsooyinku ama shandadaha, wakhtiga la noqonaya aan la garanayn.


Xilliyadda ugu badan ee ay gacanta ka hadlaan dadka welwelsan


Wadammadda horuumaray inta badan waxa ay isku raaceen in fowdada iyo dilalka dhagaraysan ay dhacaan xilliyadda qaboobuhu uu jiro, gaar ahaan inta u dhaxaysa( billaha Sebtember ilaa Maarso), xilliyadaas waxa uu qofku noqdaa madluun (somber) marka ay yaraadaan is dhex socodkii bulshadii u weheshanayey waxaana la soo darsa jaahwareer ku keena jidh xanuun iyo madax wareer saa’ida, taas oo kalifta in marka ugu horaysa uu abaaro qoyskiisa ama asxaabtiisa


Sidee looga hortagi karaa Waswaaska , Walbaharka iyo walaaca


Wadamadda Qoxootiyadu joogan waxa ayay leeyihiin dhakhaatiir ku takhasustay iyo Macalimiin u tabaraban dadka dhibaatadan ay la soo daristo, iyagoo inta badan ay ku dhiiri galiyaan cunto dheelitiran inuu quuto, nasasho , iyo infirfircooni jidhka laga shaqaysiiyo iwm. laakiin marka laga hadlayo qalbiga saalimka ee Iimaanku ku jiro.qofka Muslimka ahi waxa uu aaminsanyahay in wax kasataayiba ay Illaahay ku xidhanyihiin


 Qofku waxa uu nolosha ku leeyahay inta cimrigiisu uu ku simo,sidaa darteed qofka islaamka ee Eebe ka cabsadey, ee Adeecay Nabigeenii subanaa NNKH ee Waalidiintisana u ixsaan fala uma baahna daawooyin iyo dhakhtaro wakhti uu ku lumiyo, waxaana ku filan tawxiid adag iyo iimanka oo weel laga buuxsado, xidhiidhka qoyska, qaraabo salaanka, xidhiidhka saaxiibada wanaagsan, iyo sadaqada oo la bixiyo
Warbixintan qaybo ka mida waxa aan ka soo feegaray hay’ada qoxootiga Holland qaybta Caafimaadka ee GGZ




M.Farah Aden (Ghandi)
farahaden99@hotmail.com
Holland
thumbnail Title: Waxyaabaha Welwelka iyo Walbahaarka ku keena qofka qoxootiga ah iyo Calaamadaha lagu garto
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-25T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waxyaabaha Welwelka iyo Walbahaarka ku keena qofka qoxootiga ah iyo Calaamadaha lagu garto



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 25, 2016 and have 0 comments