XOG:- Gaas Iyo Ku Xigeenka Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Mooshin Billowday

XOG:- Gaas Iyo Ku Xigeenka Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Mooshin Billowday

Waxaa soo baxaya warar xog dheeraad ah islamarkaana u saabsan khilaaf ba’an oo ka dhex taagan madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa Injineer Camey.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in xaaladda Labada mas’uul ay meel sare marayso islamarkaana la isku khilaafay arrinta soo xulista xubnaha Puntland kaga soo aaday aqalka sare.
Wararku waxay sheegayaan in Gaas la tashi la’aan uu kusoo xulay xubnaha aqalka sare, waxayna sheekadu noqotay mid ka carreysiisa ku xigeenkiisa oo shaqadan qasab ku tahay inuu wax ka sameeyo.
Gaas ayuu weydiiyey sababta kaligiis u qoysanayo maadaama howsha ay tahay mid u wada dhaxeysa Puntland madaxdeena lana doonayo in si isku mid ah wax usoo xulaan.
Waa lagu kala booday khilaafkiina cirka ayuu isku shareeray waxayna gaartay in la isugu hanjabo xilka in la iska qaadi doono ama meesha lagu kala tagi doono.
Xildhibaanno la safan Gaas ayaa durba billaabay diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Camey si meesha u baneeyo buuqa halkaasi ka jijrana u yaraado sida ugu sahlan.


thumbnail Title: XOG:- Gaas Iyo Ku Xigeenka Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Mooshin Billowday
Posted by:galmada Net
Published :2016-06-21T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
XOG:- Gaas Iyo Ku Xigeenka Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Mooshin Billowday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 21, 2016 and have 0 comments