Arag 3-calan oo la taagay magaallo ku taalla dalka Soomaaliya iyo ujeedada

Akhristayaasha ku xiran Caasimada Online, waxaan la qaybsaneynaa sawir aan ka soo xulnay sawirro ay noo soo dirayn shaqaalaha noo jooga Soomaaliya.

Sawirkan waa sawir uu ka muuqdo seddax calan oo laga suray magaalada Xuddur ee xarunta gobalka Bakool oo dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab.

Magaalada waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah kuwa AMISOM waxaana wehlinaayay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sawirkan waxaa uu ku turjumayaa qorshe ay lee dahay Itoobiya oo ka baxsan howgalka Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya tan iyo markii ay ku soo biirayn howgalka AMISOM, waxa ay gacanta ku dhigayn magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Buuloburde, Ceelbuur, Xuddur iyo Baardheere.

Saddexda ee calan ee laga suran Xuddr ayaa waxa ay kala yhiin Soomaaliya, Afrika iyo Itoobiya

Halkan hoose ka daawo sawirka seddaxda calan ee la suray Xuddur” noo qor aragtidaada