gabar wiil adeerkeed dhalay kufsaday oo...

gabar wiil adeerkeed dhalay kufsaday oo...

Soomaalidu waa wada qiso oo qof waliba qeyb ayuu ku leeyahay mareegtada nolosha ee wajiyada badan.
Diiwaanka buuga loogu waqlalay JaCeyl ee isu keena aadanaha aduunka ku wada nool qofba meel ayuu kaga jiraa waloow isku damac iyo kala darajo la wada yahay, aqristoow isbuucaan waxaan barnaamijkeena qalinka waasuge ku daadihin doonaa jaceylka dhax mara dadka dhalyo wadaaga ah ee soomaaliyeed, waxa aan filayaa in waayadii hore dadka soomaaliyeed ka biyo diidi jireen guurka sookeeye balse haatan loo qabo xiisa gaar ah iyo waliba hami aan dhamaad laheyn sababtuna waxa aay tahay in lagu arkey guryosamo waarta.


Ceyni Waa gabar ku bar baartay nolol hodan ah iyo hooy badhaadhe ah waxa aayna ku soo hana qaadey gobol nabdoon oo aan colaadi ka jiran ayadoo ka magan gashay daruufahii kale duwanaa iyo diiftii abaaraha ee dalka nasiibkeeduna waxa uu ka dhax beerey reer magac iyo miisaanba kulahaa deegaanka iyo xaafada.
Haatan oo aay kaamishey sharuudahii guur doonka waxa aay sahan iyo saadaal ugu jirtaa qofka aay dhab ahaan nolosha ula wadaagi laheed ayadoo u kuur galeeyso halka aay ka bidhaansan karto iyo shaqsiga hanan karo nolol aan wali rafaad iyo haraad arag biloow iyo dhax dhaxaadkeeduna ahaa jawig qaboow iyo raaxo. Dhalin yarada xaafadeedkii aay meel kuwada koreen intooda badani waa aay ka guul gaadhi waayeey gacan ku dhigista ceyni oo sida caadada ah ubadka reer qaniga ah inta badan waxuu lumiyaa kalsoonida bulshada.
Dhax dhaxaadkii nolosha ceyni waxaa qoyskooda ku soo biirey Bashiir oo ahaa wiil uu dhalay adeer kana yimid baadiyaha dalkeena hooyo, waxuuna deeq waxbarasho ka heley adeerkii oo dhalay ceyni, oo amar ku bixiyey inuu bashiir yimaado magaalada halkaana uu ka bilaabo warbarashada qeybaheeda kala duwan ugu horeeyso barashada afka soomaaliga ee uu baahi weyn u qabay, sidaas ayuu bashiir ku yimid magaalada.
Waxaa is weydiin mudan sidee beey ceyni u aragtaa qofkaan ku soo biirey ? saameyn intaa la ek ayuu ku yeeshey nafteeda iyo waliba jadwalkeeda nololeed, aqristoow waa hubaal inaad is weydiineeyso su,aasha? Ceyni waxa aay u aheed maalin madow oo waxa aay la yaaban tahay muuqaalka,labiska iyo waliba jawiga uu bashiir ku sugan yahay, waxeeyna si isla weyni ku dheehan tahay u eektaa bashiir, hadana ayada uun baa ku daasho oo bashiir dhag julaq uma siinaayo ficilada guracan oo aay smeeyneeyso ceyni ee waxa uu la yaabnaa qaab dhismeedka qasriga aay ku dhax noolaayeen ceyni iyo reerkeedaasgaoo daajinaya marxada nololeed ee qoyskaan ku jiraan waxa uuna bar bar dhigayaa midi baadiyaha ee uu dhab ahaan ku bar baarey asaga.
Waxaa bir adag noqdey is barashadii iyo is fahankii dhax mari lahaa ceyni iyo bashiir ayagoo mudo ku wada noolaa hal guri isma fara gashtaan qof waliba qolkiisa iyo buugiisa ayuu ku yahay mashquul, waxaa suura gal ah inaan la is baryeenin ama la isi salaamin iskaba daa hadal iyo sheeko doodeed dhax marta labadoodee. Doorka nolosha ee bashiir haatan way tarmeeysaa oo waxuu ahaa mid la qabsada nolosha magaalo asagoo markaa shaxaya qaabkii uu uga mira dhalin lahaa ka guul gaarida hamigiisa aduun ee ku saleeysan hormar.
Waqtigu waxa uu ceeryaamo ahaadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa si kadis ah waxaa loogu kulmey qolka fadhiga oo qoysku ku wada kulansanaa maadama aay aheed jimco waxaana halkaa sheeko kooban ku wada yeeshey adeerkii dhalay ceyni iyo bashiir oo wax iska waydiinaya xaaladaha is badal iyo waxa bashiir uu ku taamayo,sidoo kale waxaa sheekada dhaxtaal u ahaa is weydiinta nolosha miyiga iyo xaaladaha dadka baadiyo,ugu danbeeyntiina adeer oo ogaal buuxa ulahaa nolosha baadiyo in aay tahay mid lagama xiiso gaar ah wadata ayaa carabka ku dhuftey inuu jeclaan lahaa booqashada walaalkii iyo ee xiliyada barwaaqada ah.
Su,aalaha aay is weedaarsanayeen adeer iyo bashiir waa kuwa aay goob joog ka ahaayeen dhamaan qoyska waxaana lala wada riyaaqey sida aqyaarnimada leh ee bashiir ugu sheekeeynayo aabahood, halkaana waxaa su,aal ka dis ah ka heley ceyni oo bashiir weeydiisey inuu uga war baxiyo hadii wali la kulmey waraabe ama dhurwaa intii uu joogey baadiyaha ? bashiir oo dhoolaha cadeynaya ayaa ku haa mar iyo ka badan ayaan la kulmey oo qof kasta oo baadiyaha jooga wey kulmayaan bahalada intooda badan abaayo, jawaabta kooban masana kaamilan ee bashiir siiyey ceyni waxa aay isku soo dhaweysey labadooda ayadoo mar kale u hanqal taageysay weydiinta su,aalo badan oo ku saabsan miyiga balse haatan uma suuro galeeyso oo waxa ku goobta joogo waalidkeeda waxayna ku soo hadal koobtey waa nolol Qatar ah ee Allaha ka baxiyo intii Muslim Ah.
“Intaa ha Inoo joogto qeybtii 1aad ee sheekada inta aan isbuuca xiga kulmi doono sidaa iyo nabad galyo”
thumbnail Title: gabar wiil adeerkeed dhalay kufsaday oo...
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-27T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
gabar wiil adeerkeed dhalay kufsaday oo...



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 27, 2016 and have 0 comments