Galmada iyo tufaaxa

Galmada iyo tufaaxa

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

Iyada oo dhamaanba waxa la cunaa ha ahaato Khudrad, Midho iwm ay u leeyihiin faa’iidooyin badan oo kala duduwan Jidka Noolaha ayay hadana sii kala mudan yihiin oo qaarkood ay ku sugan yihiin faa’iidooyin aad u balaadhan oo aan la koobi karayn, sidaas darteed ayaan waxan jeclaystay bal in aan intii Allaah iiga yasiro aan ka soo qaadano dhowr Qoraal wax yaabaha la cuno ee aadka u faa’iidada badan, Maantana hadii Allaah tacaalaa inoo idmo waxan ka hadli doonaa labadaa aan kor ku xusnay, waana sida tan:
Hadii aad CuntoTufaax Maalin walba Hurdada ka ma uu heli doono Dhakhtarku wax uu ka shaqayo!!!! 
Waxa jirta Xikmada hore oo tidhaahda “hadii aad cunto Tufaax Maalin walba Hurdada ka hor waxa uu waayi Dhakhtarku wuxuu ka shaqayo” waana tan aan cinwaanka uga dhigay Qoraalkan. Hadaba Tufaaxu waa Midho qooya oo u fudud Xiidmaha faa’iidana leh, waxaa ku jira 100ka gram ee Tufaaxa ah:
85%  miisaankeeda oo Biya ah
12% oo Sonkor ah
40 unit oo ah Vitamin B1
90 unit oo ah Vitamin A
20 unit oo ah Vitamin C
iyo wax badan oo Mineral Salts ah sida Potassium, Calcium, Phosphorus iyo Iron, waxa kale oo uu hodon ku yahay Fibres ka 

Faa’iidooyinka uu Tufaaxu leeyahay

1-Tufaaxa waxa ku jira Madada la yidhaahdo Pectin taas oo sahasha ka saarista Dacarta iyo Gases ka Caloosha
2- waxa uu dejiyaa oo yareeyaa Qufaca wuxuuna fududeeyaa soo saarista Balqamka
3- waxa uu joojiyaa in ay kor u kacdo Cholesterol Dhiiga ku jirtaa
4- waxa uu faa’iido u leeyahay Beerka, Kelyaha iyo Beeryarada isaga oo u fududaynaya Shaqooyinkooda
5- waxa uu taageeraa deganaanshaha Dhiiga
6- waxa uu daweeyaa Calool Fadhiga iyo Shubanka
7- waxa uu taageeraa burburinta Dhagxanta Kaadjahaysta ku samaysanta iyo faa’iidooyin badan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin. Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in uu Qofku cuno Maalintiiba laba Xabo oo Tufaax ah.
Waxaa jirta Maahmaah Shacbi oo tidhaahda: qaado Maalintii Xabad Tufaax ah wuu kaa foogaanayaa Xanuunku weligiiba
Waxay ka baxaan inta badan noocyada Midhuhu Geedo leh Jirid Qori ah oo la yidhaahdo Dhir, hase yeeshee waxaa jira qaar noocyada Midhaha sida Mooska iyo Strawberry ga oo ka baxa Geeda aan lahayn Jirid Qori ah markaas kuwaas laguma tiriyo Dhirta. Dhirta waxa laga beeraa meela kala duwan oo Aduunka ah waxana loo beertaa Adeegsiya kala duwan, ha ahaato Midhahooda oo laga faa’iidaysto, in la hadhsado, in Qurux ahaan loo beerto, in ay Dabaysha laysaga dhigo iyo arima kale oo Tijaarada la xidhiidhaba
Dhir waliba waxay leedahay arimo u gaar ah taas oo ka yeesha inay Goobo Aduunka ka mid ah ka baxdo Goobona aanay ka bixin, tusaale ahaan Dhirta ka baxda Dhulka Qabow kama baxdo Dhulka Kulul, hadaba Tufaaxu hore Dhulkeena ugama bixi jirin, laakiin Beryahan dambe waa la beeray oo kolay intaan anigu u war hayo waxa aad looga beeray Ceerigaabo iyo Hareereheeda waana Beeritaan weli koraaya oo u baahan in tayadiisa kor loo qaado.
Tufaaxa iyo Waqtiga Dayrta 
Hadii ay jirto in Midhuhu leeyihiin Waqti go’an oo ay soo go’aan Sanadkii sida Xabaxabka oo soo go’a Waqtiga Xagaaga waxaan shaki ku jirin in ay Dayrtu tahay Waqtiga uu soo go’o Tufaaxu, Tufaaxu wuxuu leeyahay noocyo badan oo ku kala duwan xaga Midabka, Dhadhanka iyo Adayga iyo Jilayca, kala duwanaantaasu waxay ka dhigaysaa Tufaaxa Midha soocan oo loo baahan yahay ha ahaato in la cuno Waqtiyada Cuntada inta u dhexaysa ama ha loo isticmaalo sida Casiirka ama ha laga samaysto Macmacaan ee
Sidaan hada soo sheegnay noocyada Tufaaxu way badan yihiin waxa ka mid ah:
1- Tufaaxa Cas ee Mareekanka iyada oo uu yahay kan ugu badan ee Aduunka loo dhoofiyo ayaa uu yahay Aragiisu mid ka wanaagsan Cunistiisa yacni xaga Cunista waa lagaga wanaagsan yahay oo Tufaaxa noocaas ah waxa aad u adag Diirkiisa oo ay qalafsantahay Calalintiisu, laakiin Cadkiisa hoose ayaa waxa ku badan Biyaha iyo Sonkorta taas oo ka dhigiisay in uu ku wanaagsan yahay Casiirka
2- Tufaaxa Cagaaran, noocan waxa ka dambaya guulihiisa iyada oo ay isu miisaaman tahay Dhanaankiisa iyo Macaankiisu, wax yaabaha u gaarka ah ee uu leeyahay waxay tahay in aanu u xumaan dhakhso waxana suura gal ah in lagu ilaaliyo Qabow mudo gaadhaysa 6 Bilood, noocan badanaa ma jecla Dadku cunistiisa Qalafsan awgeed iyada oo uu dhadhankiisu macaan yahay noocan ayaanu hadana Biyaha oo ku yar awgeed ku haboonayn Casiirka, waxa badanaa loo adeegsadaa noocan Macmacaanka la kariyo
3- Tufaaxa Hurdiga ah noocan oo ah mid aad loo jecelyahay Diirkiisa jilicsan iyo Cadkiisa jilicsan ee sida fudud loo cuni karo awgeed, wuxuuna leeyahay Biyo aad u badan, Dhadhankiisa gaarka ah iyo Midabkiisa Dahabiga ah iyo Midhihiisa waawayn ayaa waxay ka dhigayaan mid aad Dadku aad u jecel yihiin wax kasta oo lagu sameeyona ku wanaagsan ama ha ahaato Casiir ama Macmacaan ee umana baahna in wax Sonkor ah lagu daro, laakiin noocanu hadii aan Talaagada lagu ilaalin dhakhso ayuu u xumaadaa Diirkiisuna wuxuu yeeshaa duuduub
Shanta sababood ee ugu muhiimsan ee ay tahay in Tufaaxa loo cuno Maalin walba 
1- Quudin Caafimaad ah: Tufaaxa cunistiisu way fududahay waana macaan yahay waxaadna ka helaysaa Awooda Jidhkaagu ku shaqayo mana laha wax Dufan ah haba yaraatee
2- Wadnahaaga: waxay cadayeen Diraasado badan inay ku jirto Tufaaxa Maadad saamaynta xun ka ilaalisa Jidhka ee Maadada xun ee Cholesterol taas oo ku soo ururta Xidida Dhiiga ee Jidhka
3- Calooshaada: Tufaaxa waxaa ku jirta Xabada Tufaaxa ah ee uu miisaankeedu yahay dhexdhexaadka Shan meelood oo meel Fibres ka uu u baahan yahay Jidhkaagu Maalintii ee u ah lagama maarmaan nadiifinta Mashiinka Cuntada raqda
4- Sanbabadaada: Xabad Tufaax ah oo la Cuno Maalin kasta waxay xoojisaa shaqada Sanbabada waxayna yaraysaa Suurtagalada ah in uu Cancer ku dhoco Sanbabka
5- Lafahaaga: waxa ku jira Tufaaxa Maadad xoojisa Lafaha yaraysana Suurtagalka ah inay jilicaan oo burburaan Lafuhu

Maxaa ku ogaysiiyay waxa ay tahay Timirt iyo faa’iidooyinkeeda!!!! 

Timirtu waa Midhaha aynu wada naqaano ee ka baxada Dhulka Lamadegaanka ah, Dhulkeenana meelaha qaarkood ka baxada in kasto oo aanu badnayn tayadiisuna fiicnaynayn uuna u baahan yahay in si Cilmiyaysan looga shaqayo, Midhahan iyo Geedka ay ka baxaan in badan baa lagu soo qaaday Quraanka Kariimka ah iyo Sunnah ba, waa Midhaha Allaah tacaalaa ku badbaadiyay Ummadaha dega Dhulkaa Lamadegaanka ah Aduunka oo dhan aadka looga jecel yahay waxan soo qaadanaynaa oo keli ah hal Xadiith oo ka sugnaaday Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam oo ina tusinaya Ahmiyada ay Midhahanu leeyihiin wuxuuna yidhi: {لا يجوع أهل بيت عندهم التمر [صحيح الجامع الصغير]} {ma gaajoodo cida ama Ahalka ay Gurigooda taalo Timiri} waxaa inoogu cad Xadiithkan ahmiyada ay leedahay Timirtu bal markaa aan eegno faa’iidooyinka ay leedahay Cilmi ahaan waana sidan:
Faa’iidooyinka ay leedahay Timirtu
1- waxay dhintaa Heerka Cholesterol ka Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xidida Dhiiga qaada Qalafsanaanta waayo waxa ku jira Timirta Maadada Pectin
2- waxay joojisaa inay ku dhacado Xiidmaha Cancer waxayna kaa ilaalisaa Xanuunka Bawaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadjahaysta, waxay fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waayo waxaa ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u raqdama
3- waxay ka joojisaa Ilkaha in Suus galo waayo waxa ku jirta Maadada Fluoride
4- waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin G
5- waxay daawaysaa Dhiig la’aanta waayo waxaa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2
6- waxay daawaysaa jilayca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
7- waxay daawaysaa Appetite la’aanta iyo Fiirsashada oo waxa keenaysa Maadada Potassium ka ee ku jirta
8- waxay daawaysaa Itaaldarada guud ahaan iyo Wadnaxanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganicium iyo Copper
9- waxa ku jirta Madada Salinium oo ka hortagta Cancer ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer ka
10- waxa ku jirta Madad daawaysa Itaaldarada xaga Galmada
11- waxaa ku jirta Maadada Poron oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer ka Maskaxda
12- waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A
13- waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada raqda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin B1
14- waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushmaha waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B2
15- waxa ku jirta Maadad daawaysa Infection ka Dubka
16- waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium
17- waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka waayo waxa ku jirta Maadada Vitamin G.
Guud ahaan Timirtu waa Cuntooyinka ku hodonka ah Maadada Mangnesium ka taas oo Jidhka ka ilaalisa Xanuunka Cancer ka, waxayna kale oo saamayn wayn ku leedahay dejinta Acsaabta Dadka qaba Xanuunka Acsaabta, waxaa ku jira Iron iyo Calcium isku dhafan si dabeeci ahaan ah oo uu Jidhku u leqaayo oo u ogolaanaayo si fudud, waxaas oo dhan Timirta ayaa leh, waxaan idiin rajaynayaa Caafimaad

Wabillaahi atowfiiq
thumbnail Title: Galmada iyo tufaaxa
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-09T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Galmada iyo tufaaxa



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 09, 2016 and have 0 comments