Labo Jenaral ayay imaaraadka Turkey u dhiibtay

Labo Jenaral ayay imaaraadka Turkey u dhiibtay

Labo Jenaral ayay imaaraadka Turkey u dhiibtay


Labo janaraal oo ka mid ahaa ciidan u joogo turkey afghaanistaan 


waxay ka mid ahaayeen dadka la waday afgambiga laga samayn rabay turki 



waxay u carareen marka uu fashilmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta, 



dowladda imaaraadka waxay u dhiibtay dowladda turkiga eeg sawiradooda.


Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalka Turkiga waxa ay u gacan gelisay labo Sarkaal oo baxsad ahaa, kuwaasi oo ka tagay dalka Afghanistan.


Saraakiishan ayaa waxaa looga shakiyay inay ku lug leeyihiin Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay.

Labada Jeneral ee iyagoo baxsadka ah la qabtay ayaa lagu kala sheegay Major General Mehmet Cahit Bakir oo ahaa taliyihii ciidamada Turkiga ee dalka Afghanistan iyo Taliyihii tababarada iyo la talinta xarunta taliska ee Kabul Brigadier General Sener Topuc.

Wasaarada Arimaha Dibada Turkiga iyo Sirdoonka dalkaasi ayaa loo gacan geliyay labadaasi Sarkaal oo laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Istanbul.

Saraakiishaan oo iminka ay ku socdaan baaritaano ayaa la sheegayaa in aad looga shakisan yahay inay wax ka maleegeen qorshaha Afgambigii dhicisoobay.



Saraakiil badan iyo Askar kala duwan ayaa ku jira Xabsiyada dalka Turkiga kuwaasi oo loo haysto Inqilaabkii fashilmay.


thumbnail Title: Labo Jenaral ayay imaaraadka Turkey u dhiibtay
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-27T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Labo Jenaral ayay imaaraadka Turkey u dhiibtay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 27, 2016 and have 0 comments