Magacyada ugu fiican oo ilmaha loo bixiyo

Magacyada ugu fiican oo ilmaha loo bixiyo

Wiil iyo gabar wixii Ilaahay kugu arsaaqo waa nimco, waxaa lagaa rabaa inaad u doorato magac aad u qurux badan oo macne sare wata, magaca wuxuu ka cayaaraa kaalin aad u ballaaran shakhsiyadda cunugga, magaca wuxuu ka dhigi karaa ilmaha mid geesi ah ama mid fuley ah, mid isku kalsoon ama mid cabsi badan, magaca waxaa laga fiiriyaa dhinacyo kala duwan waa inuu ahaadaa macne diinta islaamka ay bannaysay oo aan tusinaynin wax xun, midda kale waxaa laga eegaa waa inuu sahal yahay oo uuna ahayn mid dadka dhibaya marka ay ku dhawaaqayaan, midda kale waxaad isku daydaa inuu magaca afka carabiga noqdo.

wiilka iyo gabarta labada waxay u baahan yihiin magacyo aad qiime badan, gabdhaha ka ilaali magaca fidno keeni kara ama tilmaamaya wax uu shahwada ninka kicinaya,  magacyada xaaraanka ah waxaa ka mid ah magacyada shayaadiinta gaalada caanka ah sida fircoon qaaruun haamaan namruud iyo magac kasta gaalnimo ama fisqi xun tusinaya.

Magacyada wiilasha :
Cabdullaahi

Cabduraxmaan

Axmed

Maxamed

Saciid

Jaabir

Anas

Mucaad

Bilaal

Sacad

Usaama

Magacyada gabdhaha:
asmaa

caa’isho

xafsa

muslima

safiya

sacdiya

maryam

khadiija


thumbnail Title: Magacyada ugu fiican oo ilmaha loo bixiyo
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-02T19:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Magacyada ugu fiican oo ilmaha loo bixiyo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 02, 2016 and have 0 comments