Sh. Mustafe Ismaaciil oo soo Gaadhay Magaalada Laascaanood & Nadwooyin ka Billowday XALAY

Sh. Mustafe Ismaaciil oo soo Gaadhay Magaalada Laascaanood & Nadwooyin ka Billowday XALAY

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan Muxaadarooyin Diini ah oo ay culummada Gobolku ka wadeen Magaalada.

Imaashaha Sh. Mustafe ayaa waxaa warbaahinta hadal kooban ugu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Muxaadarooyinka Sh. Siciid Mustafe X. Nuur oo sheegay inuu ka qayb ka yahay Sheekhu Muxaadarooyinka ka socda Magaalada oo soconaya muddo todoba maalmood ah.

Sidoo kale, Nadwooyinkan oo Habeenimadii xalay ka billowday Masaajidka Jaamaca ah ee Laascaanood, ayaa waxaa furay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo sheegay inay faa’iido badan u leh Bulshada, isagoo xusay in ay ka qayb-qaadan doonaan Culumo kala duwan iyo Mawduucyada ay u arkeen in bulshada ay wax-tar u leeyihiin.

Ugu dambeyntii, Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil, ayaa Caawa hoolka Jaamacadda Nugaal kula hadli doona bulshada ku noo degmada Laascaanood ee gobolka Sool.



thumbnail Title: Sh. Mustafe Ismaaciil oo soo Gaadhay Magaalada Laascaanood & Nadwooyin ka Billowday XALAY
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-11T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sh. Mustafe Ismaaciil oo soo Gaadhay Magaalada Laascaanood & Nadwooyin ka Billowday XALAY



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 11, 2016 and have 0 comments