UAE oo dadkeeda uga digtay labiskooda

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa uga digtay shacabkeeda ragga ah in khamiiska iyo cimaamada - oo ah labiska dhaqanka ee dadkaasi - aanay ku xiran marka ay joogaan dibedda dalkooda.


Digniinta ayaa timid ka dib markii nin ganacsade ah oo dalkaasi u dhashay, isla markaana dharkaasi ku labisnaa, ay xireen booliska gobolka Ohio ee Maraykanka.


Ganacsadaha oo lagu magaacabo, Axmed al Menhali, ayaa waxaa dacweeyay qof shaqaale ka ah huteelka uu degnaa, kaasoo booliska u sheegay in ninka uu ka tirsan yahay urur argagixiso ah.


Shaqaalaha huteelka ayaa sidoo kale ka shakiyay laba telefoon oo ah nooca muddada kooban la adeegsado oo uu ganacsadaha watay.


Ganacsade Axmed ayaa markii dambe la sii daayay.


Wasaaradda arrimaha dibedda ee Imaaraadka ayaa sidoo kale uga digtay haweenka in aanay indha-shareer ku xiran dalalka Yurub ee uu mamnuuca ka yahay.