War been abuur la soo dhigay barta Facebook oo sababay dhimashada ku dhowaad saddex boqol oo ruux

War been abuur la soo dhigay barta Facebook oo sababay dhimashada ku dhowaad saddex boqol oo ruux

Safiirka dowladda Koonfurta Sudan u fadhiya caasimada dalka Kenya Ambassador Chol Ajongo ayaa sheegay in dagaalladii ka qarxay todobaadkii hore magaalada Jubba ay ka bilowdeen war been abuur ah oo la soo dhigay Barta Facebook ee uu leeyahay Riek Machar, Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee dalka K/Sudan.

Chol Ajongo ayaa ku eedeeyey Afhayeenka Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad ee dalkaasi James Gatdet inuu ka dambeeyey Warka la soo dhigay barta Facebook, laguna sheegay in Machar lagu xiray Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Jubba.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidanka taageera Machar ay weerar ku qaadeen Ciidanka Dowladda, iyadoo iska horimaadkaasi lagu dilay Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

“Been ayuu ahaa warkaasi lagu qoray facebook waayo Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad waxa uu xilligaas Kulan la lahaa Madaxweyne Salva Kiir iyo Ku-xigeenkiisa, warkaas been abuurka ah ayaa sababay iney dhintaan 280 oo isugu jira shacab iyo askar” ayuu yiri danjiraha oo saxaafada kula hadlay magaalada NAirobi.

Dhinaca kale, xaalada dalka Koonfurta Sudan ayaa weli kacsan, iyadoo kumanaan qof ka qaxeen magaaladda Jubba, waxaana sidoo kale dagaalkaas ku dhintay askari ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta QM.

Maraykanka Kenya Uganda iyo kuwo kale ayaa bilaabay inay Muwaadiniintooda kala soo baxaan dalkaasi, sababo la xiriira xaalada amaanka wadankaas oo sii xumaaneysa.

Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Kiir iyo Machar oo haatan khilaaf siyaasadeed uusan ka dhexeynin ayaa la sheegay iney awoodi waayeen xakameynta ciidamada dagaalamaya ee labadooda ka amar qaata.


thumbnail Title: War been abuur la soo dhigay barta Facebook oo sababay dhimashada ku dhowaad saddex boqol oo ruux
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-16T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
War been abuur la soo dhigay barta Facebook oo sababay dhimashada ku dhowaad saddex boqol oo ruux



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 16, 2016 and have 0 comments