Wax badan ka ogaaw Barkhad Abdi oo soo wada Filimkiisi 3-aad ee Blade Runner

Wax badan ka ogaaw Barkhad Abdi oo soo wada Filimkiisi 3-aad ee Blade Runner

Kadib Filimada Captain Phillips iyo Eye in the Sky, Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Abdi, ayaa indhaha ku haaya inuu markii sadexaad kasoo muuqdo Filim Hollywoodka katirsan.


Barkhad Abdi, waxa uu sheegay in goordhow uu bilaabi doono duubista Filimka (Blade Runner Sequel), waxaana qeyb ka ah Filimkan labada Jilaa ee caanka ah (Ryan Gosling & Harrison).

Barkhad Abdi, oo kamid ah Soomaalida Qaxootinimada ku galay mareeykanka, gaar ahaan Minnesota, waxaana uu halkaas ku iibin jiray Taleefanada Gacanta (Mobeelada) iyo Gawaarida loo yaqaan limousines.

Barkhad Abdi, oo xirfadiisa Jiliinka ka bilaabay Filimka Captain Phillips, ayaa hada noloshiisa ay si tartiib tartiib ah isku badaleysaa. 


Jilaagan Soomaaliyeed ayaa ku guuleeystay abaalmarintii ugu horeeysay ee heer caalami ah, waxaana loo doortay Caawiyihii ugu wanaagsanaa, gaar ahaan kaalintii uu ka qaatay Filimka Captain Phillips, oo ahaa Filim laga sameeyay Burcad-badeeda Soomaalida.


Sidoo Kale Barkhad Abdi, waxa uu lasoo shaqeeyay Jilaayaasha kala ah Helen Mirren, Alan Rickman, gaar ahaan Filimka (Eye In The SKY).




thumbnail Title: Wax badan ka ogaaw Barkhad Abdi oo soo wada Filimkiisi 3-aad ee Blade Runner
Posted by:galmada Net
Published :2016-07-02T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wax badan ka ogaaw Barkhad Abdi oo soo wada Filimkiisi 3-aad ee Blade Runner



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 02, 2016 and have 0 comments