34kg oo ah Luulkii ugu weynaa dunida oo laga heley Philippine

34kg oo ah Luulkii ugu weynaa dunida oo laga heley Philippine

Saraakiisha dalka Philippine ayaa aaminsan in ay soo saareen luulkii ugu weynaa caalamka kaas oo culeyskiisu dhan yahay 34kg ama 5.2 stone.

Nin kalluumeysato ah oo u dhashay wadankaas ayaa 10 sano ka hor waxaa uu heley luulkan laakiin ma ogeyn in waxaan ay qiimo leeyihiin, waxaana uu ku heystay sariirta hoosteed oo marka ay dad marti ah u yimaadaan ayuu soo bixin jirey maadaama sheygan uu yahay mid soo jiidasho leh oo aad u dhalaalaya, sida ay sheegtay Aileen Amurao oo kamid aheyd saraakiisha jaziiradda Palawan oo ah meesha luulka laga heley.

“Waxaan la yaabnay markii uu soo keenay,” sidaas waxaa ay u sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

Saraakiisha ayaa hadda waxaa ay sugayaan in soo xaqiijiyaan khubarada ku takhasustay dhagaxaanta qaaliga ah waxaana uu noqon karaa Luulkii ugu weynaa ee dunida.

Qiimaha luulkan ayaa lagu qiisay in uu gaarayo 100 milyan oo dollar, Luulkan ayaa dhararkiisu gaarayaa hal fiit (30.5cm) halka balaciisu dhan yahay  2.2 fiit oo dharar ah, haddii la soo xaqiijiyo waxaa recorka si fudud ugu jaban karaan Luulka loo yaqaano LaoTzu, kaas oo miisaankiisu yahay 6.4kg.


thumbnail Title: 34kg oo ah Luulkii ugu weynaa dunida oo laga heley Philippine
Posted by:galmada Net
Published :2016-08-26T19:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
34kg oo ah Luulkii ugu weynaa dunida oo laga heley Philippine



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 26, 2016 and have 0 comments