AKHRISO :-Gabadh Somali ah oo Aabaheed u badbaadisay Qaab Dunida oodhan La Qiirootay ..

AKHRISO :-Gabadh Somali ah oo Aabaheed u badbaadisay Qaab Dunida oodhan La Qiirootay ..

Asma Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo dhawaan Aabaheed Sheekh Aaden Siiro ugu tabarucday mid ka mid ah Kalyaheeda oo uu aad ugu baahnaa, ayaa Sabtida berri lagu soo dhaweynaynaa Magaalada Hargeysa.

Asma oo ka soo ambo-baxaysa Magaalada Hydarabat ee dalka Hindiya oo ay ku gashay Qalliinka ay Aabaheed ugu saartay kalideeda isla-markaana wakhtigan caafimaadkeedu aad u wanaagsan yahay, kana soo kabatey Qalliinkii ay Aabaheed ugu hibeysay kalideeda, ayaa Sabtida ka soo degaysa Madaarka diyaaradaha Hargeysa, halkaasi oo ay ku soo dhaweynayaan dhallinyaro badan oo ay qaarkood ka wada qallin-jabiyeen dugsiga sare ee Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa iyo eheladeeda. 

Asma-Sheekh-Aaden-Siiro Dhallinyarada Dugsiyada NUURA DIIN ee Magaalada Hargeysa oo ay qaarkood isku arday ahaayeen saddex sanadood muddo laga joogo iyo qaar ka mid ah hablaha da’yarta ah ee Hargeysa ku nool ayaa isku abaabulaya sidii ay soo dhaweyn ballaadhan ugu qaabili lahaayeen Asma Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inay Asma ku bogaadiyaan, kuna hambalyeeyaan go’aanka geesinada leh ee ay aabaheed ugu saartay mid ka mid ah kalyaheeda xilli uu aad ugu baahnaa, maadaama oo uu ku jiray xaalad caafimaad oo xalkeedu ahaa in lagu rakibo kalli ta Asma oo kale ah. Dhanka kale, Asma Sheekh Aaden Siiro oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa ka warantay xaaladdeeda caafimaad ee wakhtigan, maadaama oo kalli u saartay Aabaheed, waxayna sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay 100% tahay, haba yaraatee wax farqi ahina u dhaxaynin imika iyo intii aanay gelin qallinka lagaga saaray kallideedii. 

Asma, waxa kale oo ay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay qayb ka qaadato caafimaadka Aabaheed oo ay sheegtay inuu Xaq ku leeyahay, ILAAHAYNA ugu Mahad-naqeyso in caafimaadka Aabaheed Aaden Siiro uu sideeda oo kale boqolkiba boqol wanaagsan yahay. Asma Sheekh Aaden Siiro, ayaa ku jirta Jaamacad ku taalla dalka Suudaan, hasa-yeeshee markii xaaladda Caafimaad ee Aabaheed u baahatey in gacan laga geysto ayay ugu tagtey Magaalada Hydarabat ee dalka Hindiya, halkaasi oo uu ku yaallo Cisbitaalka lagaga saaray Kallida lagu rakibay Aabaheed oo isagana Caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay xilligan. Asma waxa safarka ay kaga imanayso dalka Hindiya ku wehelinaya Waliid Maxamed Cali oo ah Saygeeda isla-markaana muddadii ay xaaladda caafimaad u joogtay halkaasi la joogay, lana socday xaaladdeeda iyo ta Sheekh Aaden Siiro, si weyna uga qayb-qaatey hawlihii Caafimaadkooda la xidhiidhay ee ay muddada halkaasi u joogeen.



thumbnail Title: AKHRISO :-Gabadh Somali ah oo Aabaheed u badbaadisay Qaab Dunida oodhan La Qiirootay ..
Posted by:galmada Net
Published :2016-08-05T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
AKHRISO :-Gabadh Somali ah oo Aabaheed u badbaadisay Qaab Dunida oodhan La Qiirootay ..



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 05, 2016 and have 0 comments