Amar Kasoo Baxay Madaxweynaa Oo Lagu Dhoofiyay 6Meeyd iyo Kenya Oo Sugeeso.

Amar Kasoo Baxay Madaxweynaa Oo Lagu Dhoofiyay 6Meeyd iyo Kenya Oo Sugeeso.

Amar Kasoo Baxay Madaxweynaa Oo Lagu Dhoofiyay 6Meeyd iyo Kenya Oo Sugeeso.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adaha amaanka DFS, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in dalka Kenya loo safriyo ku dhawaad Lix Meyd oo ay ku jiraan Horjoogayaal Al-shabaab isugu jira Ajaanib iyo Soomaali.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Wasaarada amniga ayaa inoo xaqiijiyay in amarka lagu safriyay Meydadka uu kasoo baxay Madaxweynaha Somalia, waxa uuna Sargaalkaasi sheegay in meydadka laga keenay duleedka Kismaayo iyo deegaano hoostaga Gobolka Sh/Hoose.

Meydadka ayuu sheegay in loo safriyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay kula wareegi doonaan Saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka oo ka howlgala dalka Kenya.

Meydadkaani ayaa la sheegay inay yihiin Horjoogayaal u badan Ajaanib oo ay baadi goobayeen reer Galbeedka.

Sidoo kale, Sargaalkaani waxa uu sheegay in bilihii ugu danbeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh uu amar ku bixinaayay in Meydad kala duwan loo safriyo dalka Kenya, balse uusan garan karin ujeedka rasmiga ah ee ka danbeysay in la safriyo Meydadka.

Safrinta Meydadkaani ayaa qeyb ka ah kalsoonida uu Xassan Sheekh ka raadinaayo reer Galbeedka si ay u taageeran danihiisa Siyaasadeed iyo hamiga ku aadan dib usoo laabashadiisa


thumbnail Title: Amar Kasoo Baxay Madaxweynaa Oo Lagu Dhoofiyay 6Meeyd iyo Kenya Oo Sugeeso.
Posted by:galmada Net
Published :2016-08-27T04:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Amar Kasoo Baxay Madaxweynaa Oo Lagu Dhoofiyay 6Meeyd iyo Kenya Oo Sugeeso.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 27, 2016 and have 0 comments