QISO CAJIIB AH. NAAG INGIRIIS AH OO DHAQTARKEEDA KU AMRAY INEY XIJAAB QAADATO.

QISO CAJIIB AH.
NAAG INGIRIIS AH OO DHAQTARKEEDA KU AMRAY INEY XIJAAB QAADATO.

Dennis Queen, waa 40 sano Jir waa Gabar Reer Manchester ayaa waxa Haleelay Xanuunka loo yaqaan Cun-cunka ama Allergic, waxa ay Haatan tahay mid ku Qasban inay Xirato Xiliyada ay Banaanka Aadeyso inay Xijaabato si ay uga Nabad gasho Qoraxda oo ah mida ay Cudurka ka Qaaday waa sida uu Dhaqtarku iyada u sheegay.
Sheekadan Oo ah mid aad u soo Jiidatay Indhaheyga ayaa waxaa Boga hore ku qoray mid ka mida Wargeysyada Ingriiska kaa oo lagu Magacaabo Dailymail iyadoo Warbixintan ay ka Gheekeyneyso Gabar u Dhalatay Wadanka Ingriiska, isla markaana ah Gabar Heysata Diinta Kristanka ay Qasab ku noqotay inay Xijaabato ka dib markii Dhakhtarkeedu u Sheegay in Caafimaadkeedu uu ku Jiro inay Xijaabato sida Gabdhaha Muslimaadka ah.
Ugu Danbayntii Arintan oo ah mid si aad ah kuu Farxad Gelineysa marka aad si qoto dheer u eegto, waxayna Cadeyneysaa In Diinta Islaamku tahay mid wax waliba oo Maanta Caalamku Baaritaano ku soo Saaraan uu hore Qur’aanka Kariimka ah uga hadlay, waxaana Ayaan daro ah in Gabar Heysatada Diinta Kristanka ay Xijaabato halka Gabdho ku Dhashay Diinta Islaamkana ay Jirkooda Qaawinayaan.


(ILAAHOOW DUMARKA ISLAAMKA U GAR-GAAR, YAA RABBI).