QISO CAJIIB AH. Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda

QISO CAJIIB AH. Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda

QISO CAJIIB AH.
Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda Waxay aad uga Cabsan Jirtay in Hadeey Jannada Gasho Hadduu Rabbi u qadaro ay Ninkeeda Waydo, Haweynaydaas Waxay Ahayd Umu Dar'daa Ama Xaaska Abii Dar'daa, Haddaba Abii Dardaa Waxuu Ahaa Saxaabi Weyn oo Macruuf Ah, Laguna Naanysi Jiray Kala Saaraha Umadda iyo Sayidka Qaariyada Dimishiq. Uma Dar'daa Ayaa u Istaagtay in ay Rabbi Barido Waxayna Tiri Sidatan:- Allahayow Abuu Dar'daa Wuu Isoo Doonay, Wuuna Igu Guursaday Dunida, Anigana Waxaan Kaa Dalbanayaa in aad iigu Guurisid Jannada!. Markay Sidaa Tiri Baa Abuu Dar'daa Ku yiri:- Haddii aad Sidaas Doonaysid Anigana aan Hortaa Dhinto Ha Guursan Gadaashey! ka dib Abuu Dar'daa RC, Wuu Dhintay, Umu Dar'daa Waxay ahayd Haweeney aad u Qurxoon aadna U Wanaagsan, waxaana soo doontay markiiba Mucaawiye RC, inuu Guursado Waxay Tiri Umu Dar'daa:- Walaahi Maku Guursanaayo Aduunka Inta aan Ka Guursanayo Abuu Dar'daa Janadda Insha allah.
(Haddaba, waa sidaa Jaceylka Dhabta ah Iyo Balanta Dhabta ah).




(ILAAHOOW, ZOWJAATKA MUSLIMIINTA AH U NAXARIISO, YAA RABBI).
thumbnail Title: QISO CAJIIB AH. Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda
Posted by:galmada Net
Published :2016-08-05T19:51:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
QISO CAJIIB AH. Waxaa Jirtay Haweeneey Si Baxaad Leh U Jeclayd Ninkeeda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 05, 2016 and have 0 comments