XAQ AADAN LAHEYN HA U XUL DUUBIN (QORMADII DEEK DEKOW).

Waxaa dadku hogaansamaan haddii la helo hogaan lagu qanacsan yahay sharci aan loo kala sarayn, caddaalad loo siman yahay iyo xukun aan masaakiinta kaliya ku dhicin, taas oo Soomaaliya ay ugu dambeysay markii aan dowladeenii anagu gamceheenii ku duminay.



Xilligaas wixii ka dambeeyay dalku wuxuu noqday jaantaa rogan oo ruux waliba wuxuu rabo ayuu fali jiray, sharciga kaliya oo lagu kala baxaana waxaa uu ahaa oday dhaqameed dantiisa kaliya uun fiirsada, mana dhacdin in ruux tabar yar uu caddaalad helo si uu ku waayaba.



Taas markay dhacday waxaa meesha ka baxay sidoo kale kaalintii shacabku ku lahaa dowladda, gabi ahaanba waxaa is taagay ka qayb qaadashii hantiyeed ee dadwaynaha looga baahnaa si adeega bulshadu uu u shaqeeyo dadkana wax loogu qabto ayadoo aan ogsoonahay in lacagaha adeegyada dowladda lagu bixin jiray oo bilaashka ah ay ahayd wax dadka laga qaadi jiray ee dowladdu kaligeed aysan jeebkeeda ka keeni jirin.



Markii aad milicsato magaalada Muqdisho ma jiro hal ruux oo shaqaale ah oo dhiiba lacagtii canshuurta ahayd oo haddii uu dhiibi lahaa laga yaabi lahaa qoyskiisu inuu helo waxbarasho, caafimaad, waddooyin dhisan iyo biyo nadiif ah oo walibana lacag la’aan ah, laakiin haddii bulshadii laga waayay inay wax dhiibtaan wax loogu qabto maxaaba loo qaban karaa?



Soomaali waxay ku maahmaahdaa “quraanyo (quraanjo) aruurtay bulac waa jiidaa” markii maahmaahdaas laga hadlaayo waa dhiiri galin looga gol leeyahay in isku tagga lagu qaban karo wax aan waligeed kali kali lagu qabteen.



Waxaas qiyaastaa haddii qof walba oo Soomaali ah oo shaqaysta uu bil walba dhiibo $10 tusaale ahaan imisa ayay noqonaysaa lacagtaas? Waxaan shaki ku jirin in lacagtaas ay kaafin karto dhammaan mushaarka macalimiinta wax barta ardayda Soomaaliyeed oo waliba wax kale inta kasoo haraan hawlo kale lagu qaban kari lahaa, haddii intaas ka badan la isku qorana waxaan awoodnaa inaan baxsano inta badan miisaaniyadda dowladeed laakiin qof walba inta aruuriyo ayuu aduunka uga tagayaa.



Waxa kaliya oo jira oo hadda la canshuuraa waa dukaanada ganacsiga oo ayaguna aan si fiican u dhiibine musuqmaasuq iyo cabdi lacagaha u dhiiba iyo baabuureyda oo ayaganu wax dhiiba laakiin taasi kuma filna in lagu qabto walibana lama hubo inay gacanta dowladda si toos ah u gasho.



Ayadoo xaaladdu saas tahay oo aysan jirin dad shacab ah canshuur dhiiba ayaa hadana markii la isku soo hadal qaato adeeggii bulshada ee bilaashka ahaan jiray ayaad arkaysaa in la leeyahay dowladdaan ma rabto inay dadkeeda wax u qabato oo adeeg meeshay qaban lahayd siyaad kaliya ayay ku mashquulsan tahay, hadaba haddii dadku ku mashquuleen qabyaalad maxaa diidaya dowladduna inay siyaasadda dibadda ku mashquusho?



Hadaba sababa ay dowladdu la qaban la’dahay adeegii dadka waxaa ugu wayn waa gacantii dadka oo meesha ka maqan, illeen haddaan dowladda la taakulayn wax ma qaban kartee tan kale oo shacabku dowladda ku tabaayo waa lacagaha dowladaha shisheeye ay siiyaan oo ayaguna ah wax xisaabsan oo aan dhaafsiisneyn mushaar iyo socodsiinta hawlaha dowladda waaba haddii ay usoo gaarto sidii loogu ballan qaadaye.




Markii eedaymahana shacabku dowladda ay u jeedinayaan aan arkay oo waliba fikir ahaantayda iila muuqda kuwa qaladkooda aysan dowladda kaliya aysan lahayne lawada leeyahay ayaa waxaa igu soo dhacay qormadaan ah “waxaadan xaq u lahayn ha u xusul duubin” oo aan kala jeeday qof aan xaqqii asaga lagu lahaa aan bixin me jiri karto waji ee xaq u yeelanayo tan kale dowladda adeega ay qabanayso meel cidlo ah kama imaan ee waa waxaaga wax halaguugu qabto.



Gunaanad



Waxaan rabaa inaan qormadaan kusoo koobo waano ku socota dadka soomaaliyeed sida ay u dhanyihiin waanadaas waxay tahay haday dhib idinku tahay dhiibista xaqii la idinku lahaa oo ah canshuurta wadanka si adinkana wax la idinkugu qabto yaan la raadin wax aan idinka maqnayn, arintaasi waxay isoo xasuusiyay maahmaah ah “ama afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw” marka qof walba asagaa laga rabaa tii u fiican qof aan wax dhiibina ha ogaado inaysan u furnayn inuu dodo ama dad eedeeyo.



W/Q Mohamed Deik Tako

Email Deeqaxmad15@hotmail.com