6da nin ay jecel yihiin gabdhaha in ay xiriir la sameeyaan “tolow adiga maku jirtaa 6daas nin”

6da nin ay jecel yihiin gabdhaha in ay xiriir la sameeyaan “tolow adiga maku jirtaa 6daas nin”

Xiriirka ayaa u kala baxa midna waa waqti lumis midna waa midka wata macno wayn oo ah sidii lagu gaari lahaa guur iyo guri lagu wada nagaado, hadaba xiriirka dhabta ah ee wata micnaha gaarka ah wuxuu leeyahay qiimo adag iyo asaasaas aad u balaaran, gabadha waayo araga ah waa mid ka aragti dheer gabdhaha kale markasta qiimeen aan kala har laheen siisa ragga waayo waa mid aad ugu han wayn in ay hesho mustaqbal wacan, hadaba warka.aduun.com waxay idiin wataa sifaadad ay jecel yihiin gabdhaha in ay lahaadaan wiilasha, qurmadaan waxaa qalinka uqaatay qoraa sare Daalac Daahir Shoot.



1. Nin aan bahdilin (xuuqdeeda ku tuman)

Gabadha oo aad tusto kaalinta ay ku leedahay noloshaada, aadan quursan wax qabadkeeda, muhiimad gaaar ah siiso, u muujiso in ay qiimo kuu leedahay, waa mid ka mid ah wax yaabaha ay gabadha kuugu jeclaan karto, ruux kasta ruuxii qadariyo aad buu u ixtiraamaa dadkane wuu uga soo soko maraa.

2. Nin aan been kaseen ( Ruux dhabta ka hadla)

Inta badan dadka waxaa kala dila ama kala geeya waa beenta, beenta waa mida dhasha kalsooni darada, dumarka way jecel yihiin in la madadaaliyo laga qosliyo waqti lala qaata laakiin hadii ay kuugu arkaan hadaladaada oo is khilaafaya ama is diidaya waxaa ku dhalan karta tuhun, marka hadii uu hadalkaaga ku saleesan yahay runta waa kuu muhiim waayo runta waa waxa ugu horeeyo ee la isku jecel yahay la iskuna aamino.

3. Nin Balanta oofin kara (Balan bax aan garaneen)

Balanta in la oofiyo waa wax ay diinteena Islaamka nafareeso, qof aan balan laheen sida lagu aamino way adagtahay, ninka ragga ah wuxuu balan qaado hadii uu yahay mid oofin kara waa mid ay dumarka jaceyl yihiin in looga soo baxo balanta, waana wax yaabaha asaaska u ah qiimaha nolosha in uu ruuxa balan leeyahay.

4. Qowda maqashii waxna ha u qaban in aadan noqon

Af macaanida aan laabta jirin waa mid kuu horseedo burbur iyo xiriir xumo, hadal macaanida waa mid lagu soo jiito ruux kasta kaliya ma ahan ruuxa dumarka bas ragga xitaa hadal macaanida waa kuwa lagu soo jiito, hadii hadalkaaga bas yahay iska dheh uusan laheen ficil waxaaa suurta gal ah in xiliyada qaar laguu arko ruux iska hadlaya, gabadhaha way jecelyihiin ruuxa hadalka mac kadibna ku dara ficil.

5. Nin la Jecel horumar (darajo iyo magac)

Magaca ruuxa sare loo qaado ama la siiyo darajo waa mid hoos tagta qiimeen badan oo loo hayo ruuxaas, hadii ay ku aragto gabadha in aad wanaag iyo darajo la rabto way ku aamini kartaa waayo wax la taaban karo oo ay ku qanceeso ayaad la timid waana wax yaabaha badan ay dumarka ku raacan ragga.

6. Nin aan dhac dhac badneen (nin meel kasta lugta kala jiro ceeb socoto ah)

Sharafta ruuxa leh sidoo kale umuada wada qadariyaan aadna loo tix galiyo waa mid ay gabadha isha ku heeso, balsa hadii aad tahay ruux dhadhac badan qaladaadkiisa iyo kafiirsasho la aan ah ma jeclo ruuxaas dumarka, ninka dhoorsan kala garanaya waxa ku haboon iyo meesha laga raba iyo xiliga loo baahanyahay waa mid ay dumarka aad u rabaan hadii aad leedahay sifadaas waxaa tahay ruuxa ay isha ku hayaan dumarka.

intaas oo sifo uu kor kusoo xisay qoraaga Daalac Daahir Shoot waa qeybo kamid ah inta ay dumarka jaceyl yihiin in ay ka arkaan ninka raga.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
thumbnail Title: 6da nin ay jecel yihiin gabdhaha in ay xiriir la sameeyaan “tolow adiga maku jirtaa 6daas nin”
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-16T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
6da nin ay jecel yihiin gabdhaha in ay xiriir la sameeyaan “tolow adiga maku jirtaa 6daas nin”



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 16, 2016 and have 0 comments