Astaamaha lagu garto in ninkaaga uu naag labaad xiriir la leeyahay uusan adiga bas kuugu koobneen

Astaamaha lagu garto in ninkaaga uu naag labaad xiriir la leeyahay uusan adiga bas kuugu koobneen

Dumarka aad ayee u jecel yihiin in gacaliyahooda (raga iyaga qaba) in iyada uun bas uu ku ekaado ama ku koobnaado, ma jirto qof dumar ah oo jacel in gacaliyaheeda (ninkeeda) uu xiriir la sameeyo wax iyada ka baxsan hadii ay dhacdane waa mid gabadha dhaawac u keeni kara dhanka qalbiga, dumarka aad waxay u jecel yihiin ninka daacada ah aan damac badneen iyaga bas u go’a, hadaba waxaa jiro rag badan aan rabitaanka gabadhaha xiriirka ay laleeyihiin ama qaba aan siin muhiimad iyaga oo ku dulwada gabar kale, warka.aduun.com waxay idiin soo gudbineesaa astaamaha ugu sahlan ee kuu ifin kara in ninkaaga ama qofka aad isla socotaan uu xiriir kala dhexeeyo qof kale oo dumar ah, qormadaan waxaa qalinka u qaatay iskuna soo duba riday qoraaga sare Daalac Daahir Shoot

1. Balan ka baxid aad u badan

Ninka markii uu helo qof labaad ama isbartaan waa mid markasta kuugu yiraahda waan soo daahayaa caawa, waxaan jiraa meel kale, qadada ama cashada kuma jiri waxaan na casuuumay mid kamid ah asxaabteeda, waxaan soo xalinayay arimo la isku heestay, intaas oo dhacda ma ahan mid hal mar oo kaliya balsa waa mid uu kuugu soo celceliya.

2. is carfin iyo labis cusub

Inta uusan kula baran ninkaaga qofka uu xiriirka kaala dhexeeyo wuxuu ahaa mid labiskiisa iska caadi ah is carfintiisa ay aheed mid normal ah, balsa markii uu helo qof labaad ninka waa mid aad ulabista is carfintiisa ma ahan sidii awal aad ku arki jirtay.

3. Sidii awal uu kuu ahaa kuuma ahan

awal hadii uu ahaa mid aad kuula kaftama ku siiya muhiimad gaar ah wax kasta ku soo war galiyo waxaas oo dhan daaqada ayee ka baxayaan hadii ay meesha soo gasho qof labaad, waxaad u noqoneesaa qof iska caadi ah aan ulaheen muhiimad gaar, wax kasta aad ku balanteen ma oofiyo ama maka soo baxo, isbadal aad u wayn ayaad kala kulmeesaa iyo dabeecada aadan ku arki jirin.

4. In uu kula sheekeesto uguma baxdo

Waa mid meel gaar ah fadhiista ama dhaqsi sariirta ku aruuro, in kula wadaago hadal badan caajis ayaa ka muuqanaya, waana mid ismaahiya, daal tiro badan sheekta.

5. Markii uu teleefoon usoo dhaca wajigiisa waa qaab kale

Adiga oo la jooga marki teleefoon usoo dhaca inta uusan helin ruuxa labaad waa mid ku maqashiiyaha wuxuu ka hadlayo, markii uu teleefoonka ka soo dhamaado marmar waxaa suurta gal ah in uu kuu sheego qofka soo wacay iyo waxa laga rabay laakiin markii uu helo ruux labaad waxaa ka dareemi kartaa marka uu soo dhaco teleefoonka wajigiisa ma ahan kii aad taqiinay, hadalada waa mid soo kooba, hadalada qaar si cod karnimo leh uma soo tufi karo, marmarna waxaa dhacda in uu banaanka la aado teleefoonka ama meel adiga kaa fog.

6. Canaan iyo qeylo aadan waligaa ku arki jirin ayaad ka kala kulmi doontaa

Si uu tashuush kuugu furo ama fikir ku galiyo aadan ugu mashquulin wax yaabaha uu damacsan yahay oo ah ruuxa labaad uu helay, waa mid qaladadka yar yar ee dhaca buun buuniya isaga oo ka dhiga wax wayn, wuxuu bilaabaa in uu sameeyo wax uusan awal sameen jiray oo adiga dhib kuugu ah ama uu doonayo in uu kuugu caro galiyo.

7. Teleefoonkiisa (mobile ka) waa mid kaa ilaaliyo

Aad ayuu uga fikiraa in aadan la wadaagin ama aad ogaato wax yaabaha teleefoonkiisa ku dhex jira sida (fariimaha usoo dhaca ama dadka soo wacay ama dadka uu wacay), aad wuxuu utiraa qoraalada ay is dhaafsadaan dadka la og in uu la socdo qof labaad, teleefoonkiisa waa mid gacanta ku haaya inta badan mana ogolo in uu meel dhigo.

intaas oo astaamo uu kor ku soo xusay qoraaga Daalac Daahir Shoot waa qeybo kamid ah astaamaha lagu garto in ninkaaga ama gacaliyahaaga uu xiriir kala dhexeeyo qof labaad, waana astaamaha ugu muhiimsan in lagu garto inkastoo ay jiraan astaamo intaan kabadan.


thumbnail Title: Astaamaha lagu garto in ninkaaga uu naag labaad xiriir la leeyahay uusan adiga bas kuugu koobneen
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-17T03:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Astaamaha lagu garto in ninkaaga uu naag labaad xiriir la leeyahay uusan adiga bas kuugu koobneen



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 17, 2016 and have 0 comments