Booliska magaalada St.Cloud oo maydka wiilkii Soomaaliga ahaa ku wareejiyay qoyskooda

Booliska magaalada St.Cloud oo maydka wiilkii Soomaaliga ahaa ku wareejiyay qoyskooda

Booliska magaalada St.Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa xalay maydka wiilkaasi Soomaaliga ahaa ee weeraka ka gaystay xarun laga dukaamaysto ee ku taala magaaladaasi ku wareejiyey qoyskii dhalay wiilkaasi.

Wiilka falkan gaystay oo lagu magacaabi jiray Daahir Axmed Aadan oo ahaa wiil Soomaali/Mareykan ah ayaa tooreey ku weeraray dad aan waxba galabsan oo ka dukaameysaneyey suuqa magaaladaasi St Cloud.
Booliska magaaladaasi ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaano ay wadaan danbi baarayaasha oo ay ku hubinayaan bal inuu xiriir la lahaa ururada argagixisada caalamiga ah iyo in kale, maadaama kooxda ISIS ay sheegatay in uu iyaga ka tirsanaa
Daahir ayaa maalintii Sabtida ahayd waxa uu dad badan ku dhaawacay suuqa ku yaala magaalada St.Cloud ee gobolka Minnisota, dadkii uu dhaawaca u gaystay ayaa gaarayay ila 11 ruux, kadibna waxaa Daahir toogtay nin askari ahaa oo ku labisnaa dharka shibilka.

thumbnail Title: Booliska magaalada St.Cloud oo maydka wiilkii Soomaaliga ahaa ku wareejiyay qoyskooda
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-22T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Booliska magaalada St.Cloud oo maydka wiilkii Soomaaliga ahaa ku wareejiyay qoyskooda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 22, 2016 and have 0 comments