Ciidammo shisheeye oo Shabaab weeraray

Weerar qorshaysan oo ay ku lug lahaayeen ciidamo shisheeye iyo kuwo Soomaali ah ayaa la sheegay inuu xalay ka dhacay deegaanka Tooratoorow oo qiyaastii 35 km galbeedka ka xiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa sida uu guddoomiyaha degmadaas, Maxamed Aweys Abuukar (Mad Yarow) u sheegay BBC-da waxaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay Al Shabaab halkaa ku lahaayeen.


Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa howl gallo iyo duqeymo si wada jir u fuliyeen Kummaandooska Soomaaliya iyo Ciidammo Mareykan ah waxaa ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose.
Kooxda Al-shabaab oo xaqiijisay weerarkaasi ayaa sheegtay inay jabisay tobaneeyo katirsan ciidanka Mareykanka oo dhanka cirka ay ka taageerayeen diyaarado dagaal.

Maraykanka wali kama uusan hadlin in uu ku lug lahaa howl galkan iyo in kale.