Duruufaha igu hareereysan iyo Dantaa geed igu xireyso mooyee…. (Sheeko Xiiso)

Weli qof aad xad dhaaf u jeceshahay inta ay duruufaha kaa hor istaageen in aad jaceylkaada usoo bandhigato  adigoo haminayo makuu soo bandhigtay in aad wax ka diyaariso arooskeeda ee adiga oo ka niyad xun isla markaana huri la’ ma u istaagtay howsha laguu xil saartay shabakada Allsiyaasad waxay idiin soo gudbineysaa geeraar ka turjimayo  quuxa qalbiga qofka arinkaas oo kale ay qabsato .

Shabakada Allsiyaasad waxay sidoo kale dhawaan idiin bilaawi doono sheekooyin jaaceyl oo aad u xiiso badan oo ay ka mid yihiin qisooyin jaceyl oo dhab ah ,Allsiyaasad waxay xooga saari doontaa qancinta aqristayaasheeda qiimaha badan .

Duruufaha igu hareereysan iyo
Dantaa geed igu xireyso mooyee
Dareenkeyga adiga ayuu kula jiraaDadka adigaan kuugu jeclahayDarajeyn iyo xushmad badaanDahab la moodyey ku hayaa.Deganaanta eebe ku siiyeyDulqaadka iyo kaftanka badanaaDamac kulul igu beerooDaar xalaal inaan kula dagooDakeyno farxad kuwado noolaanoDamaceyga yahay oon doonayaa .

Duruufaha igu hareereysan iyo
Danta aa geed igu xirtee
Dahab la moodeyey adigaa
Dagay qalbigi iyo wadaha oo
Daar qurux badan ka dhistee
Daain waxaan kaaga tuugay
Daar aad ku nasatiyo farxad
Deeq inuu kaaga dhigo
Doqon eebe wax kuuguma daro
Dadka kaad u jeceshahay
Daain kama yeelo
Damiir xume aan kula fahmeyn .

Daruufaha igu hareereysan iyo
Dantaa geed igu xireyso mooyee
Dahab la moodyey adigaa
Dagay jirkeyga oo idil…