Feyisa Lilesa: Oradyahankii ku mdaaharaday Itoobiya oo Maraykanka ka dagay

Feyisa Lilesa: Oradyahankii ku mdaaharaday Itoobiya oo Maraykanka ka dagay

Feyisa Lilesa: Oradyahankii ku mdaaharaday Itoobiya oo Maraykanka ka dagay

Feyisa Lilesa ayaa gacmahiisa is dhaafiyay markii uu xariijinta ka gudbayay

Oradyahanka u dhashay dalka Itoobiya, Feyisa Lelisa ayaa gaaray dalka Maraykanka isbuucyo kaddib markii uu ku mudaaharaaday dowladiisa isagoo sii marayay xariijinta ugu dambaysa ee oradada Olimbikada ee ka dhacay magaalada Rio bishii la soo dhaafay.
Oradyahankan ku guulaystay biladda qalinka ah ayaa xariijinta ka gudbay isaga oo gacmahiisa is dhaafiyay, calaamadaas oo astaan u noqotay dadka Oromada ah ee ku kacsan dawladda Itoobiya.

Lelisa ayaa ka yimid gobolka Oromiya oo hoy u ah qowmiyadda Oromada Itoobiya oo ah gobolka ugu dadka badan dalkaasi.

Oradyahankan ayaa horay u sheegay inuu ka cabsi qabo in la dilo ama xabsi la dhigo haddii uu dalkiisa ku laabto, wuxuuna hadda magangalyo ka dalbaday dalka Maraykanka.

Dawladda Itoobiya ayaa mar sii horreysay sheegtay in aan la xiri doonin oradyahankan haddii uu soo laabtana si wayn loo soo dhawayn doono.

Feyisa Lilesa ayaa gacmahiisa is dhaafiyay markii uu xariijinta ka gudbayay

thumbnail Title: Feyisa Lilesa: Oradyahankii ku mdaaharaday Itoobiya oo Maraykanka ka dagay
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-09T20:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Feyisa Lilesa: Oradyahankii ku mdaaharaday Itoobiya oo Maraykanka ka dagay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 09, 2016 and have 0 comments