Jubaland: Xaasaska Shabaab ha isaga baxaan Kismaayo

Jubaland: Xaasaska Shabaab ha isaga baxaan Kismaayo

Maamulka jubbaland ayaa ku amray xaasaska Al-shabaab inay isaga baxaan magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Afhayeenka laamaha amniga ee maamulka Jubbaland, Axmed carab, oo maanta magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa uga digay xaasaska dagaalyahannada Shabaab inay isaga baxaan magaalada ka hor inta aan lagu qaadin hawlgallo lagu ugaarsanayo.

Axmed Carab ayaa intaasi ku daray in maamulka uu horay u sameeyay hawgalka xaasaska shabaab looga saarayo magaalada, balse ay u muuqto inay soo laabteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga iyo adinka heshiis ma nihin, col baa na dhexyaalla, dil baan naga dhexeeyo, inta raggiina ay duurka ku jiraan oo ay cadow ku yihiin Jubaland naguma dhax jiraysaan ee intaan la idin soo raadinin magaalada isaga baxa”

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Jubbaland oo ay ka soo agaasiman weerrarada ay ku qaadan ciidamada Jublanad.

Hawlgal ay sanadkii hore sameeyeen ciidammada Jubaland ayay ku qabqabteen ku dhawaad 60 haween ah oo ay ku sheegeen in ay ahaaayeen xaasaska saraakiisha Shabaab.



Source: BBC
thumbnail Title: Jubaland: Xaasaska Shabaab ha isaga baxaan Kismaayo
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-16T18:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jubaland: Xaasaska Shabaab ha isaga baxaan Kismaayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 16, 2016 and have 0 comments