khadro Yusuf: Systemka xawaaladuhu waxay qayb ka yihiin saboolnimada ajaaniibta Norwey degan

Khadro Yusuf oo ah gabar asalkeedu uu soomaali yahay, soomaalida reer Norwey ay aad u wada garanayaan ayaa maanta wargayska Dagbaladet kusoo daabacday maqaal ay uga hadlayso systemka xawaaladaha iyo qaabka ay u shaqeeyaan. Khadro oo soo xiganayso warkii ay warbaahinta Norwey qorayeen maalmo kahor oo ku saabsanaa in garoonka diyaaradaha Oslo lagu qabtay 11 milyan NOK oo uu leeyahay urur soomaali ah 00 xawaalad ka shaqeeyo, ayaa maqaalkeeda si dadban ugu sheegtay in xawaaladaha iyo lacagaha tirada badan oo ay ajaaniibtu u diraan qaraabadooda ay qayb ka tahay sababaha dhaliya saboolnimada caruurta ajaaniibta ah.

Markii ugu horeysay ee aan maqlo ereyga xawaalad waxay ahayd markii aan dhiganayay claska 3-aad, markaas oo uu wiil fasalka ila dhigta uu ku faani jiray in loo soo gadi doono kabo cusub oo adidas ah. Dhowr isbuuc kadib markey kasoo wareegtay, walina aan kabo loo soo gadin ayaan waydiiyay maxaa dhacay, wuxuuna iigu jawaabay Xawaalad ayaa dhacday…

Waxaa timid su aal ah: Hadii aad adiga kabo adidas ah heshid, waxaa baahi ku seexan doono caruurta ilmo adeeradaa/ilmo abtigaa ah. Baahi intee le-eg ayaa hada u qabtaa kabahaas adidaska ah.

isbuucan ayaa airportka Oslo lagu qabtay 11 milyan oo NOK. Haa waa run, waa 11 milyan lacagta la qabtay. Waana lacagtii ugu badneyd ee abid hal meel lagu qabto sida ay sheegeen ilaalada airportka. …

….Bishiiba hal mar ayuu qofku lacag u diraa Islaan caruur agoon ah haysato, ama ilma adeeradaa oo wax ay cunaan u baahan. Wadan soomaaliya oo kale ah, waxbadan uu dagaal ahli ah uu ka socday, baahida jirtaa maba dhamaato. Ayeeyo xanuunsan, abaal dhacday ama urur xornimo u dirir ah oo la taageerayo.

Doodo badan ayaa laga sameeyay sida ay xawaaladuhu saameyn u yeeshaan isdhexgalka ajaaniibta iyo mujtamaca intiisa kale.  Rapport ay soo saartay hay-ada PRIO ayaa lagu cadeeyay in xawaaladaha iyo lacagaha la diro aysan wax saameyn weyn ah ku laheyn ka qaybqaadashada ajaaniibta ee nolosha wadamada ay kunoolyihiin. balse Khadro ayaa sheegayso in ay arintaas aysan ku qanacsaneyn, iyada oo sheegtay in xiriir weyn uu ka dhaxeeyo saboolnimada caruurta ajaaniibta ee Norwey iyo lacagaha ay xawaaladuhu diraan, gaar haan qowmiyadaha aan suuqa shaqada aad uga dhex muuqan.

Khadro ayaa sheegayso in caruurta ajaaniibta ah aysan helin waxyaabo ay u baahnaayeen ama aysan ka qaybqaadan karin aktivitetyada ay caruurta kale sameeyaan, sababtoo ah waxaa lacag loo diraa qaraabo kunool wadamada ay waalidiintu kasoo qaxeen, iyada oo lasii marsiinayo xawaaladaha.  Hadii aysan waalidku shaqeynin, ilmo badana ay dhaleen, wixii yaraa ee soo galana ay qaraabo qaarkeed usii dirayaan, waxay waalidku ku qasbanyihiin inay jaraan wixii loo arko in laga maarmi karo. 

Khadro ayaa sidoo kale ku baaqday in wax laga badalo qaabka ay xawaaladuhu u shaqeeyaan, sidoo kalena baaritaan lagu sameeyo saameynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha qoyskaska, saboolnimada caruurta iyo waliba isdhexgalka bulshada.