Maamul Usameynta Hiiraan & Sh/Dhexe oo 11 Cisho lagu soo dhisayo

Maamul Usameynta Hiiraan & Sh/Dhexe oo 11 Cisho lagu soo dhisayo

Iyadoo maanta ay Magaalada Jowhar gaareen wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale shir uu ka furay Magaaladaasi.

shirka-jowhar-10Khudbad uu ka jeediyey Shirkaasi Madaxweyne Xasan ayaa muujiyey sida uu udoonayo arkida maamul ay ku mideysan yihiin labada gobol.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay inuusan kala jecleyn Dadka deggan Labada Gobollada hormarkoodana ay muhiim utahay.

Mar uu soo hadal qaaday madaxweyne Xasan Xildhibaanada 71 ah Ee Maamulkaasi loo soo xulayo ayuu sheegay inay noqdaan kuwo dadkooda iyo deegaankooda ushaqeeya si daacadnimo leh.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in 11 Cisho ugu badnaan lagu soo gaba gabeeyo shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Tan iyo 12kii Bishii Janaayo Ee Horaantii Sanadkaan Shirkii Jowhar ka furmay xilligaasi wixii ka dambeeyey ma jirin wax natiijo ah xilli weli sidoo kale ay shirka ka maqan yihiin dad magac ka leh G/Hiiraan.


thumbnail Title: Maamul Usameynta Hiiraan & Sh/Dhexe oo 11 Cisho lagu soo dhisayo
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-16T16:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maamul Usameynta Hiiraan & Sh/Dhexe oo 11 Cisho lagu soo dhisayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 16, 2016 and have 0 comments