Maraykanka: Galaxy Note 7 yaan diyaaradaha lagu dhex isticmaalin

Maraykanka: Galaxy Note 7 yaan diyaaradaha lagu dhex isticmaalin

Waaxda duulimaadyada hawada ee dalka Maraykanka ayaa rakaabka diyaaradaha ee wata taleefoonnada noocoodu yahay Samsung Galaxy Note 7 kula taliyay in aysan daarin oo aysan dabaynin inta ay diyaaradda ku dhex jiraan.


Shirkadda Samsung ayaa hakisay iibinta taleefankaas todobaadkii hore, kaddib markii la ogaaday in qaar ka mid ah taleefankooda u dambeeyay uu dab ka kacayo ama qarxayo marka la damco in la dabeeyo.


Saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in rakaabku aysan galinin talefankaas boorsooyinkooda.


Khamiistiina Shirkadaha diyaaradaha ee Australian airlines ayaa macaamiishooda ugu baaqay in aysan diyaaradda ku isticmaalin taleefanadooda.


Shirkadda Samsung ayaa dib u soo celinaysa 2.5 milyan oo taleefan oo noocoodu yahay Galaxy Note 7 oo la iibiyay ama loo kala diray adduunka oo dhan si dib loogu fiiriyo wixii cilad ah ee ku jirta.

Samsung Galaxy Note 7

thumbnail Title: Maraykanka: Galaxy Note 7 yaan diyaaradaha lagu dhex isticmaalin
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-09T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maraykanka: Galaxy Note 7 yaan diyaaradaha lagu dhex isticmaalin



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 09, 2016 and have 0 comments