MUUQAAL: Farmaajo oo Khudbad uga Hadlay Xaalada Somalia, Sadex Qodob oo Dhaqan Xumo ah Sida xal loogu Heli Karo, S.land, Doorashada & Al-shabaab

MUUQAAL: Farmaajo oo Khudbad uga Hadlay Xaalada Somalia, Sadex Qodob oo Dhaqan Xumo ah Sida xal loogu Heli Karo, S.land, Doorashada & Al-shabaab

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo khudbad u Jeedinayey Qaar kamid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ayaa Wuxuu siwayn uga hadlay Xaalada Soomaaliya, Wuxuuna  sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay soo Bilaabatay 1960-kii, Wuxuuna sheegay in wixii dhacay 1991-kii ay ahaayeen Dhibkii Soomaalidu ay bilaabeen 1960-kii.


Dhinaca kale wuxuu ka hadlay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, Iyo Sida ugu wanaagsan ee Midnimada Soomaaliya oo dhamaystiran loo Helo, Wuxuuna sidoo kale ka hadlay Dhalinyarada u dagaalamaya Kooxda Al-shabaab, Wuxuuna sheegay inay Nolol iyo Mustaqbal leeyihiin oo loo baahan yahay in Xal loo helo.

Wuxuuna soo bandhigay Sadex Dhaqan-xumo ah oo hada soo baxay  Kuwaasi oo doorashada lagu galo, “Lacagta Doorashada lagu galo waa Hantadii Dawlada iyadoo uu adeegsanayo Qofka Markaasi Kursiga ku Fadhiya,  Qaadhaan Qabiil iyadoo Qofka Musharaxa ah ay Beeshiisu Lacag dul dhigayso iyo Mida Sedexaad oo noqotay Dawladee i Caawinaysa Warqad cad ayaan wataaye, Waxayna taasi keenaysaa inuu Qofkaasi uu Hadhow dawladaasi u Dulays naado, oo ka fogaado Wadaniyad Soomaaliyeed.” 

Wuxuuna Soo bandhigay Sababta ay u sameeyeen Qaadhaan-Qaran, Wuxuuna sheegay inuu yahay midkaasi mid la doonayo in Bulshada Soomaaliyeed ay isku Tashanayso oo ay Iyadu Leedahay.


thumbnail Title: MUUQAAL: Farmaajo oo Khudbad uga Hadlay Xaalada Somalia, Sadex Qodob oo Dhaqan Xumo ah Sida xal loogu Heli Karo, S.land, Doorashada & Al-shabaab
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-16T20:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
MUUQAAL: Farmaajo oo Khudbad uga Hadlay Xaalada Somalia, Sadex Qodob oo Dhaqan Xumo ah Sida xal loogu Heli Karo, S.land, Doorashada & Al-shabaab



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 16, 2016 and have 0 comments