Ragoow 10-kan Qodob oo Aydin Ogeyn ayeey Xaasaskiina Idin Ku nacaan (AQIRSO)

Ragoow 10-kan Qodob oo Aydin Ogeyn ayeey Xaasaskiina Idin Ku nacaan (AQIRSO)

shumis ayaa iddiin soo koobaya waxa ay kala tihiin sidatan.

1-Noocyo Kamid Ah Dareennada Jaceylka Ee La Wadaagayo:

Inta badan haweenku waxay doorbidaan inay si waji furan ula hadlaan qaybaha kala duwan

ee bulshada ay ku dhex nool yihiin, waxaanay si sahlan u samaystaan asxaab ay la

wadaagaan dareenka waxa ay ka hadlayaan iyo xidhiidhadoodda, laakiin raggu aad ayay

ugaga duwan yihiin dumarka arrintaa mana jecla in ay u soo bandhigaan dumarka

dareenkooda, taas oo dumarka qaar ay ku adkaato in ay jawaab u helaan ama ay fahmaan

sababta aarintan keentay.

2. Noocyadda Xidhiidhadda

Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu ka hadli waayaan in ay cabiraan

dareenkooda ku saabsan xidhiidhada ay la yihiin dumarka, maxaa yeelay haweenku waxay

jecel yihiin in ay kala ogaadaan dib u dhaca iyo horomarka ku yimaada xidhiidhada ay la

wadaagaan ragga, dhinaca kale raggu waxay doorbidaan oo ay iska ilaaliyaan in ay

dumarka kala hadlaan xogaha ku saabsan xidhiidhada ka dhexeeya.

3. Bahdilaadda Ama Xaqiraadda

Dumarku waxay aad u karahsadaan ragga iska indho tira haweenka ee aan siinin wax wax

taxadar ah, waxaanay si gaar ah dumarku u jecel yihiin ragga ahmiyada sida gaarka ah u

siiya ee u hura wakhtigooda kana sheekeeya sida ay u arkaan xiodhiidhada jacayl ee ka

dhaxeeya lamaanaha. La qaata wakhti ay u waramaan dareenka gaarka ah.

4. Amaanta Gabadh Kale Oo Aan Iyadda Ahayn

Dumarku waxay aad u neceb yihiin in ay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo amaanay

gabadh kale oo aan iyada ahayn.

5. Muranka Iyo Beenta

Dumarku waxay aad u dhibsadaan marka ay raggu been u sheegaan sababtoo ah ragga

intiisa badani waxay aaminsan yihiin in dumarka been loo sheego si ay u soo xero galiyaan

oo ay u hantiyaan qalbiyadooda.



6-Uskagga Iyo Nadaafad Darada

Dumarku waxay aad u karahsadaan ninka nadaafada xun, waxaanay jecel yihiin in ay

indhahoodu arkaan nin labisan oo ay nadaafadiisu fiican tahay jidh ahaan iyo labis

ahaanba.

7. Dumarkii Hore Ee Aad Xidhiidhadda Yeelateen

Ma jecla dumarku inay ka maqlaan ninka ay jecel yihiin isaga oo ka sheekaynaya tirada

dumarka uu la soo qaatay xidhiidhadho hore iyo noocyada dabeecadahoodaba.

8. Jaangoynta Qorshayaasha Mustaqbalka

Haweenku waxay jecel yihiin ninka samaysta ama qorsheeya jaangoynta nolosha

mustaqbalkiisa had iyo jeerna kala tashada sida ay noqonayso noloshiisa mustaqbalku.

9. Ka Daba Shaqaynta Iyo Kaantaroolidda

Dumarku waxay ka diiqadoodaan ninka adadag ee had jeer isku daya in uu cabudhiyo ama

kaantaroola ee jecel in wax waliba ay u dhacaan sida uu doonayo. Dumarku waxay jecel

yihiin in ay noqdaan hogaamiye jecel kasbashada dhagaha ninka.

10- Shakigga Iyo Kalsooni Daradda

Dumarku ma jecla ninka had jeer isku daya in uu ilaaliyo ee isku mashquuliya in uu ogaado

talaabo kasta oo ay qaadayso, iskuna taxalujiya in uu ogaado cid kasta oo ay la hadlayso,

taas oo ay dumarku u arkaan kalsooni daro ninka la soo gudboonaatay


thumbnail Title: Ragoow 10-kan Qodob oo Aydin Ogeyn ayeey Xaasaskiina Idin Ku nacaan (AQIRSO)
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-17T05:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ragoow 10-kan Qodob oo Aydin Ogeyn ayeey Xaasaskiina Idin Ku nacaan (AQIRSO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 17, 2016 and have 0 comments