Rakesh Roshan Oo Xaqiijiyay In Hrithik Rosha Uu Dib U Bilaabay Duubista Filimka Kaabil

Rakesh Roshan Oo Xaqiijiyay In Hrithik Rosha Uu Dib U Bilaabay Duubista Filimka Kaabil

Maalmo ka hor waxaan idinla wadaagnay in Super Star Hrithik Roshan xanuunsan yahay sidoo kalena uusan dhowr maalmood soo xaadirin duubista filimkiisa cusub Kaabil.

Hadaba Rakesh Roshan oo filimkaan soo saare ka ah sidoo kalena ah aabaha dhalay Hrithik Roshan ayaa xaqiijiyay in xidigaan uu shaqada dib ugu soo laabtay.

Rakesh Roshan wuxuu yiri “Hrithik Roshan wuu fiican yahay wuxuuna dib ugu soo laabtay duubista filimka Kaabil maalintii Jimcada”

“Kaliya maalmo kooban ayuu naga maqnaa waxaana heesay xumad daran balse si wacan ayuu usoo kabtay wuxuuna diyaar u yahay inuu si wacan u dhameestiro hawsha filimkeena Kaabil”

Rakesh Roshan ayaa sidoo kale la weydiiyay in filimkooda Kaabil ay dib u dhigan doonaan ama 26 Janaayo 2017 filimka Raees la saaran doonaan ee SRK hogaamiyaha ka yahay.

Rakesh wuxuu yiri “Sanadka dambe dhamaan taariikhaha ugu muhiimsan dad ayaa calaameesteen anaga 26 Janaayo ayaan horey u dooranay sidaa darteed wax isbadal ah ma jiro Kaabil xiliga aan ugu tala galnay ayaa la daawan doonaa”

Sidaa darteed waxaan filan doonaa isku dhaca labada Super Star Hrithik Roshan iyo Shah Rukh Khan hadii filimadooda Kaabil iyo Raees aan la kala weecinin.