U Gaar Dumarka, Hadaad Arimahaan U Sameyso Indho Aan Adiga Aheyn Ma Lahaanayo Qofyaheey

U Gaar Dumarka, Hadaad Arimahaan U Sameyso Indho Aan Adiga Aheyn Ma Lahaanayo Qofyaheey
1- Waqti hore la toos ninkaada oo u diyaari suuliga ka dibna quraacda kana taageer xerashada dharka .

2- Ku macsalaameey dhoola cadeynta , hadii uu gaari leeyahay uga dig in xawaare sareeya gaariga uu ku kaxeeyo , una xaqiiji in aad ka sugeyso wicitaan uu qalbiga uu kugu dajinayo marka uu goobta shaqada gaaro .

3- Si waliba oo aad u daalan tahay gurigaada nadaafada marti ha u ahaado oo caraftiisa ha baxdo .

4- Ka hor inta uusan guriga ku noqon odayga adiga iyo caruurta ha yimaado idinka oo dhal dhalaalaya oo la idin moodo dhayman .

5- Marka uu guriga yimaado ka saacid iska bixinta dharka adiga oo weydiinaya sida xaalkiisa maalintaas ahaa , una sheeg in aad si weyn ugu xiistay .

6- Ha seexan waligaa hortiisa in aad ka dambeyso mooyee , inta uusan seexan weydii haddii ay jirto wax uu u baahan yahay .

7- Qoyskiisa iyo macrifadiisa ku qaabil waji furan hana dhibsan waligaa.

8- Isku day in aad ku milanto qoskiisa oo aad kalsooni ka hesho .

9- Ha adeegsan hubka oohinta waligaa , hana gaarsiin khilaafka idinka dhex dhaca in qof kale uu kaga dacwoodo .

10- Haku cunin caroorta hortiisa haddii ay dhacdo in xoogaa yar is khilaaftaan.