UNHCR oo beenisay eedeymo ku saabsan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo kaga yimid HRW

 UNHCR oo beenisay eedeymo ku saabsan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo kaga yimid HRW

Hay’adda Arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa iska fogeysay eedeymo ku aadan in aysan xog ku filan siinin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya, kuwaasi oo doonaya in ay dib ugu laabtaan Dalkooda Hooyo.

Hay’adda ayaa beenisay warkaan oo ka soo baxay Hay’adda Human Rights Watch oo u ololeysa Xuquuqda aadana.

UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in mar waliba ay la kulmaan Qaxootiga, islamarkaana ay Soomaali iyo English ugu sheegaan Xaalada Dalka Soomaaliya, waxaana Hay’adda ay intaasi ku dartay in go’aanka lagu laabanayo ay Soomaalida leeyihiin.

Hadalka UNHCR ayaa waxuu imaanayaa markii Hay’adda HRW ay shaaca ka qaaday hanaanka loo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed in aysan waafaq saneyn sharuucda Caalamka.