Warbaahinta Reer Galbeedka oo ka hadlay Xajkii uu Tagey Danjire Simon Collis

Warbaahinta Reer Galbeedka ayaa warbixino kala duwan waxay ka qorayeen Saacadihii lasoo dhaafay diinta Islaamka uu qaatay Safiirkii UK ufadhiyey Waddanka Sacuudi Carabiya.

Simon Collis ayaa Isbuucaan Allaah SW uu haleeshiiyey macaanida Diinta Islaamka isagoo sidoo kale nasiibb uhelay inuu malaayiintii Sanadkaan Xajinaye uu qeyb ka noqdo.

Majalada The Gaurdian oo war ka qortay waxay sheegtay in ay kasoo xigteen Safiirka in uu ku faraxsan yahay Diinta Islaamka uu qaatay.

Simon Collis ayaa waxa isaga iyo Xaaskiisa Mrs Huda oo isla sawiran uu soo dhigay Boggiisa Twitterka xilli ay kusugnaayeen Magaalada Makka Al Mukarama oo Xajka ay ka qeyb galayeen.

Waxa Collis uu sheegay in Diinta uu qaatay Sanadkii 2011-kii xilligaasi wixii ka dambeeyana uu baranayey waxaana udhaxda Safiirka ama Xaaskiisa ay udhalatay Waddanka Siiriya.