Xasan Sheekh oo ka jawaabay Codsi uu IGAD udiray Siilaanyo

Xasan Sheekh oo ka jawaabay Codsi uu IGAD udiray Siilaanyo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka jawaabay Codsi ka yimid Maamulka La Magac Baxay Soomaaliland.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha oo xalay khudbad ka jeedinayey Munaasabad Ka dhacday Muqdisho inaysan IGAD Madaxdooda suurta gal aheyn Dawlad Gobolleedyada inay marti geliyaan.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in IGAD ay Aqoonsan tahay Keliya Qaranimada Soomaaliyeed ayna ku imaan karto keliya in Soomaalidu is raacdo.

Dhawaan ayaa waxa madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo uu codsaday in ay marti geliyaan oo IGAD ay ka qeyb geliso kulamada soo socda iyagoo ah waddan ka madax banaan Soomaaliya.

Soomaaliland ayaa weli raadineysa Aqoonsi Caalami ah oo ay ku hanan karto si ay uga go’aan Dalka Soomaaliya.






thumbnail Title: Xasan Sheekh oo ka jawaabay Codsi uu IGAD udiray Siilaanyo
Posted by:galmada Net
Published :2016-09-16T15:01:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xasan Sheekh oo ka jawaabay Codsi uu IGAD udiray Siilaanyo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 16, 2016 and have 0 comments