Aishwarya Rai Oo Kala Dooratay Sedexda Filim Ee Ugu Dambeeyay Midka Door Ahaan Ay Ka Heshay .

Aishwarya Rai Oo Kala Dooratay Sedexda Filim Ee Ugu Dambeeyay Midka Door Ahaan Ay Ka Heshay .

Aishwarya Rai Bachchan wey soo laabatay waxayna la timid hadal xoogan madaama xidigtaan jimcadaan nagu soo fool leh (26 October) tiyaatarada loo saari doono filimka Ae Dil Hai Mushkil ee Karan Jora iska leeyahay.

Hadaba Aishwarya Rai ayaa saxaafada u sheegtay inay siweyn uga heshay doorkeeda Ae Dil Hai Mushkil madaama aysan horey isugu dayin sameynta dumar isku kalsoon 



sidoo kalena waaya arag ah oo xiriir la wadaageyso wiil ka dhalin yar arimaha jaceylkana wax badan ka aqoonin.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil Aishwarya Rai waxay jaceyl kula wadaageysaa Ranbir Kapoor sidoo kalena filimkaan Anushka Sharma ayaa ku jirto.

Inkastoo Aishwarya Rai sanadkii hore kusoo laabatay filimka Jazbaa ayadoo mudo 5-sano ah filim sameynin hadana filimkeedii labaad Sarbjit soo baxay bishii May ee isla sanadkaan hadana xidigtaan waxay ka dhawaajisay inay si gaar ah uga heshay doorkeeda filimka Ae Dil Hai Mushkil.

thumbnail Title: Aishwarya Rai Oo Kala Dooratay Sedexda Filim Ee Ugu Dambeeyay Midka Door Ahaan Ay Ka Heshay .
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-23T20:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Aishwarya Rai Oo Kala Dooratay Sedexda Filim Ee Ugu Dambeeyay Midka Door Ahaan Ay Ka Heshay .



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 23, 2016 and have 0 comments