Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka

Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka

Furfurida Maqaalka

   Maqaalkan: “Mufakkir Mohamed Samiik wuxuu si qotodheer uga hadlayaa aragtida doobnimada iyo aragtida guurka, asagoo cinwaanku ahaan-doono mid looga hadlo aragtiyo xasaasiya (Sensitive Issues) oo ay mudan-tahay in bulshada Soomaalida wakhti-xaadirkan loo bisleeyo, cutubyo badan ayuu ka kooban-yahay, si lamida, qormooyin taxane ah ayuu noqon-doonaa, muhiimaddu, “Waa in la fahmaa muhiimadda ay leedahay guurka iyo dhibaatada ay leedahay doobnimadu”. Qoraalkan oo 2013 la qoray, laguma daabicin Webabka Soomaalida, ayadoo nuxurkiisa qoraagu u arkay inaysan bulshaddu u bislaan, haddase, mudantahay in lasoo hordhigo, keliya higaad-sixid iyo macluumaad ayuu ku kordhiyey qoraalka; macaanidda iyo mowduuciyaddu si ay iskula falgalaan”.


Qormadii Labaad

Akhriste: “Sida aad la socoto, qormadii 1 aad, si hufan oo muqaddimo u badan waxaan ku soo dhiraan-dhiriyay furfurista nuxurka iyo dulucda ujeedo ee fog ee qoraalkani xambaarsanaan doono; Waxaynu soo sheegnay ayadoo tirakoob sax ah laga haynin tirada sugan ee Soomaalida haddana, aragti sheegaysa in taranku yaraanayo oo dhallaanku ay badnayn, sanadihii u dambaysay soo baxday, waxay ka imaanaysaa ilooyin iyo unugyo kala duwan sida, guurkii oo aad iyo aad u yaraaday, asbaabo, xaqiiqdii jira awgeed iyo sababooyin kale oo qormadaas ku xusan, arrintaasna, Soomaalida waxaa la wadaaga Reer-Galbeedka, qoraayadooda iyo mufakkiriintoodu, qoraalo cilmibaadhiseed iyo daraasado kala duwan, aad iyo aad u badan ayay ka sameeyeen; Qormadeena 2aad waxaynu ku eegi doonaa, gorfaynta iyo ka jawaabidda, labadan su’aalood: (1) Yaa Doob Ah? (2) Iyo Dhibaatada Doobnimada.

YAA DOOB AH?


Macnaha waxaad moodaa inaanu muran iyo dhibaaato weyni aynan ka taagneyn fasiraadda iyo qeexidda macnaha doobnimada iyo cidda la siinayo ama lagu shaambadaynayo, wiil iyo gabadhba. Doob waxaa loogu yeeraa oo lagu qeexaa qof aanan weli isku dayin inuu guursado macnaha, uu yeesho lammaane, Ninka marka uu guursan gabadh waxaa lagu yeedhaa ninkaas, kelmadda DOOB, oo loola jeedo nin waligii aan guursan oo cawradiisu cawro kale arag, sidoo kale Gabadha markay iyaduna aysan guursan wiil waxaa ladhahaa gabadhaashi waa DOOBAD, inkastoo Soomaalidu kelmaddaas hablaha u isticmaalin, sababo jira owgeed, kelmadda GAASHAANTI ayay dhaqan-erey ahaan u adeegsadaan tilmaantaas. Macnaha koobani waxa weeye “Qofkani maahan ruux leh lammaane uu nolosha adduunyada la dhaqan keeda la qaybsado; waa shaqsi kunool nolol kalinnimo ah “Single Live” iyo adduun kalinnimo ah” sida aan ku qeexay aniga oo ah ninka aragtiyadan ku qoraya maqaalkan. (Theory of Single World With Single Life).
Akhris baaxad leh iyo cilmibaadhis qotodheer haddii taariikhda, dhaqan-ka iyo ilbaxnimadda bulshadan * Soomaalida* lagu sameeyo, arrintan xidhiidh la leh, saddex-waxyaalood ayaad ogaanaysaa: (1) Ruuxa Doobka/Gaashaantida ah, sumcad wanaagsan kumay dhex-lahayn dhaqan-nololeedka bulshada ay nolosha midabyadeeda kala duwan  la wadaagaan. (2) Isla ruuxaasi, markay timaado doorka ka qayb-qaadashada ka arriminta nolosha, sida dhanka xaaja-bixitan, kalsoonidda iyo aaminnaada mas’uuliyadda, kaalin mug leh oo la sheegi karo kumaysan lahayn. (3) Ku darsoo, kalsooni darro nafsiyadeed (Self-Confidence Delicateness), Ku tiirsanaan cid kale (Dependent On Others) iyo dhaqaale-xumo (Less Financial Income) ayay noloshuudu, had iyo jeer, u qaabaysneed kuwa la halgamaya oo dedaal iyo karti u bixinaya, ka guul-gaadhideeda.

DHIBAATADA DOOBNIMADA


Sida ay daraasadooda ku cadeeyeen aqoonyahannada cilmiga nafsiga daraasadeysa, waxey qeexeen oo mugdiga ka saareen, in ay badantahay saamaynta ay yeelato inuu qofku laqabsado noolaanshaha kelinnimadda, waxey cadeeyeen in qofka bili-aadamka ahi ay ku adagtahay inuu ku noolaado nolol kelinnimo ah, ay sababayso cuduro iyo saameyn badan oo qofka kaga dhaca dhinacyada maskaxda, caqliga, ,dareemada dabiiciga ah, dabeecadda, dhaqan-dhaqameedka iyo cuduro badan oo sababa xaalado iyo dhibaatooyin khatar ku ah, mustaqbal-nololeedka ruuxa.
Natiijooyinka laga dhaxlo doobnimada ama dhibataada ay sababto, waxaa ka mid ah, sida daraasaddu cadeysay kuwan hoos ku qoran. wax ay aqoonyahannadu ugu yeereen“ (A): “Sexual Frustration”, oo ay macneheedu tahay fashilka iyo guul-darada ruuxa kaga yimaada yeelashada lammaane ama guur samayn, isku-buuqa iyo dareenka kulul ee shahwadda ee u baahan maaraynta, fududaynta iyo ciilbixid u diyaarinta, balse ruuxu xaqiijin waayo wadadii uu ku xakamayn lahaa ama ku xasili lahaa, ayaa lagu soo koobi karaa macnaha kelmaddaas.  Xanuun kani wuxuu kaga dhacaa shaqsiga oo sababaa haddii ay ku fogaato daareemada dhammaantood, gaar ahaan maskaxdu inay gubato,  saa’idna u waasho la ajligeed,
Sexual Frustration: Waa xanuun mug weyn oo ka dhasha marka uu qofka muddo dheer uu ku guuldareysto inuu guursado, dareenka badan iyo shahwada xooggan ee ku jirta ayaa sababeysa xanuunkan haddana, hadhaw, keenaysa inuu waasho axadku. Xanuunka labaad ee ruuxa haleela, aqoonyahannadu ay sheegeen waa ka ay ugu magac-dhabeen  (B): “Psychological Brain Viruses” oo ay macnaheedu tahay xanuuno aad u daran oo ku dhaca qaab ushaqeynta garashada iyo xasuusta iyo ka shaqaynta maskaxda taasoo, aad moodayso qofku inuu wax isku khaldayo ama is dhexgalinayo, gaar ahaan xanuunadani markiiba waxay keenaan waali toos ah, waxaana lumaya dhammaan shaqadii maskaxda iyo maamulkeedii iyo weliba xasuusta cad,
Xanuunka saddexaad wax ay aqoonyahannadu kaga hadlaan mawaadiicdan“ (C) “Psychological stress, Shock and Mad”, tani waa mid yaab leh oo aad moodo in bulshadeenna ay ku badantahay maxaa yeelay, waxey keentaa mashquulka maskaxda qofka oo marwalba aad moodo inay buuxdo aakhir kana keentaa maskax-xidhan iyo caqli-dabool, sidoo kale, waxey keentaa isla-hadalka iyo noocyada kala gedisan ee *Buufiska* iyo ka shakiga shey, walax, qof ama uu naftiisa uu ka shakiyo. Waa xanuun saameyntiisu culustahay oo dadku xammili karin dhibtiisa, ku tahay la mucaamilkiisa mid aan laga muquuran Karin.
Xanuunka afraad waxay aqoonyahannadu ugu yeeraan (D): “Abhorring people With Their behaviors”, qofka ayaa u ekaanaya mid ay nafsaddiisu nacayso nafsadaha kale, gaar ahaan, dumarka iyo hadalkooda ama shukaansigooda, ama ragga iyo la hasaawidooda, sidoo kale wuxuu nacayaa lawada noolaanshaha dadka kale ee dhanka kaftanka, fekerka iyo joogtaynta xidhiidhka ehelkiisa, nuxur ahaan, wuxuu diidsanyahey dadka, xiriirkooda, dabeecadooda iyo hab dhaqankooda.
Xanuunka shanaad waxay aqoonyahannadu kaga doodaan qaybta loo yaqaan (E): “Problematic of Understanding Human Principles”, doobka waxaa dhib iyo mushkilad gaamurtay ku noqota la mucaamilka dadka iyo fahamka nolosha adduunyada iyo is bahaysigeeda; xaaladan waa mid sababaysa aqoon-darrada doobku uu ku fashilmo ama ku guuldaraysto fahmidda deegaanka, dabeecadda dadka iyo la xiriirkooda arrimaha nolosha iyo sirtaba, markan qofku waa maqane qafilan oo furo aan lahayn oo murugo ku noola. Isla qaybtan, waxaa lagu caddeeyaa in doobku anshax iyo akhlaaqiyaat ahaanba xumaado hadduu ku raago marxaladaas. Dabeecado kala gedisan sida, xanaaq-badan caloolyow iyo tiiraanyo, murugo iyo gocasho saa’ida ayaa lagu arkaa goorwalba, dhaqan-maalmeedkiisa iyo hab-fekradeedkiisa. Hagaag! Isla maadadan, doobku wuxuu ku guuldaraystaa fahamka balaadhan ee bulshada uu la noolyahay ama uu ka tirsanyahay mabaadideeda guud, dhanwalba, haday akhlaaq noqoto, qiyam noqoto, curfi noqoto, ijtimaaci noqoto, siyaasad noqoto iyo IWM.
Sidoo kale, qofka doobka waxaa ku badata ka sheekeynta ruuxa tilmaamihiisa sida: jidhka iyo quruxda, waxaa kaloo caado la noqota in lagu riyoodo goorta la gam’ayo ama la seexanayo, sida ruux qaawan oo xubnihiisa dareemadu muuqdaan, waxaa kaloo marmarka qaarkood lagu arkaa inuu daawado sawirada qaaqaawan  “Naked Pictures” ama aflaanta la daawado ee xun-xun “Sex Blue Films” , inta badan wuxuu jecelyahay oo ka helaa in looga sheekeeyo  hadduu nin yahay, naag la furay ama la xumeeyay, xubnaha dareemada ee haweenta ama sidoo kale wuxuu jecelyahay inuu maqlo codka naagaha xilli walba.
Si lamida, hadday gabadh tahay, waxay jeceshahay in looga sheekeeyo innamada quruxdooda, nin iyo naag is guursaday, alaabta iyo qalabka uu u dhigay, jacaylka iyo qisooyinka laga hayo. Sidoo kale waxey keentaa waxyaabo badan oo qaarkood dabiici tahay oo ay kamid yihiin xanuuno khatar ah sida: isfiilatada iyo cudur ka dhasha maskaxda qofka oo xammili kari weyda dhibaatada ay ku jirto, oo loo yaqaan “Brainlock”,
waxyaalaha kale waxaa ka mida ay sababto inuu isku arko inay dadku nacayaan, xamanayaan, wax ka sheegayaan shaqsiyaddiisa, ama ay sanifsanyihiin, waxaa kaloo kamid ah, waxyaalaha ay sababto inuu ku guuldareysto talaabo walba oo horumar ah oo uu doonayey inuu ku talaabsado, waxaana ku adkaata doobka inuu dejiyo qorshe-maaliyadeed “Financial Strategy” uu ku tashiilayo ama ku kordhinayo, “iyadoo la ogyahay in lammaanayaashu ay ka qarash yar yihiin dadka aan nolosha waasac-sanayn ku noolayn, macnaha doobka ah”, inanka/inanta marxaladaas (Doobnimada) la nool qiyaastii maaliyad ahaan bishii waxaa ku baxda 200-300 Us-dollars, halka lammaanayaashu 150$ ay si walba ugu filan tahay. Ayadoo sidaas tahay, wali Doobku/Gaashaantidu waxay dareemayaan biilkaasi inuusan ku filnayn oo noloshooda kaafiyayn.
Aniga oo aanan soo koobi karin waxyaalaha laga dhaxlo dhibaatada doobnimada ee dhinacyada nafsiga, bulshada, deegaanka iyo horumarka, waxaan jecelahay inaan dadka xasuusiyo sheyga muhiimka ee, u baahan in la xuso ee keenaya sababahan ama dhibaatooyinkan waxa weeye:- “Ilaahay SWT wuxuu Bani-aadamka ku dhex-abuuray biyo macdaneysan oo awooddoodu iyo miisaankoodu ay tahay waxaan caadi ahayn oo bani-aadamka layaab, anfariir iyo mucjiso ku noqotay (Surprise And Magical), oo haddii ay qofka insaanka ahi ay ku badato u keenayso inuu waxyaalahan la kulmo ama uu waasho; biyahan xooggan ee macdaneysan waa biyo Alle SWT ugu talagalay inay soo saaraan ilmo cusub, kaasoo nool oo ka mid noqda dhallaanka iyo dhalinyarada adduunka ordaya ee waliba madaxa timo kuleh, haddaba, sidee iyo habkee loo mumaarisaynkaraa ama loo yareynkaraa awooddaas, dhibaatooyinka badan ay ka dhalanayaan!!!??? Waa su’aal hortaala walaalkay ama walaashay, si kale, akhristaha doobka ah ee dhuganaya maqaalkan ,
Sababaha looga bixikaro doobnimadda waa kuwo kooban, macnaha waa mid ama waa labo, sababta ugu muhiimsan ee looga bixikaro doobnimadda waa inuu ruuxu isku dayo inuu guursado, yacni nolol-wadaag farxad ku faalaysan unko, haddaan si kale u dhigo, “inaad guur samaysid ayaa ah midda ugu muhiimsan uguna qaalisan ee looga bixi karo xaaladaha dhibaatada badan ee murugada wadata ee loo yaqaan <<Dhibaatada Doobnimada>>”.
Qormadeena saddexaad waxaan ku faaqidi doonaa halkee looga bixi karaa mushkiladan “Whereout Process” iyo faaqidaadeeda, si dhalinyaro badan uga wareegaan nolosha kalinnimada/Doobnimadda, nolosha xaasnimada/Guurka ugu wareegaan. Waxaan kusoo gebagebaynayaa qormadeena maanta, tix cuddoon oo murti qotodheer iyo nuxur xaqiiqeed xambaarsan, taasoo mid kamida dhalinyarta sebenkan dalka & dadka u kacay maankiisa kasoo maaxatay, Allah SWT dambi-dhaaf, thawaab iyo fadli aan la soobi Karin haka siiyee.. Aamiin. Tixdani, waxay ku dhiirigelinaysa dhalinyarada inay guursadaan, nolosha Doobnimada beddel ku sameeyaan. Waxaa tiriyey Hal-abuur da’ yar kaasoo, xilligan u maansooda bulsha-weynta Soomaalida, leh maansooyin aad u badan, keliya maanse-yahan maahee waa aqoonyahan barta cilmiga dhaqaalaha, si lamida, Qoraa iyo Mufakkir: Abwaan: Maxamed Cabdicasiis Bootaan. Meerisyada tixdan cuddoon waxaa kamida:
  • Intaad dibada meermeeraysay ee, dumarka eegaysay
  • Intaad dahabo baaadh -baadhaysee, degelka gaadaysay
  • Waxba kaama daayicin sidaan, duunka ku hayaaye
  • Markii aad daruur u eg heshoo, dadab kusoo hoysay
  • Jaamacad ha doonine markaad, ubadka daadihaysay
  • Duruus kaama baaqane waa sidaas, dunida xaalkeede
  • Waxba maalna haw dudin rabbaa, daabacoo qoraye
  • Doob wayn intaad noqon lahayd, hayso dacalkaaga!
Tixraaca Tixda Abwaan Bootaan
===========================
“Hal-Abuurkii Soomaaliyeed Wali Ma Dhiman/Qormadii 7aad (Suugaanta Dhiirigelinta Guurka), Maanmaal Buureed Gurxan, lagu faafiyay www.Maskaxmaal.com, Bogga Saddexaad, 16th October, 2014/PDF”.
Halkan Ka Eeg Qoraalkaan Soo Xigtay;
SOURCE : https://samiik.wordpress.com/2014/11/09/aragtida-doobnimada-iyo-aragtida-guurka-qormadii-labaad-wq-mufakkir-mohamed-abdirizak-said-samiik/


FG: Macluumaadka Kujira Qormadan Waxay ka timid Cilmibaadhis uu sameeyay Qoraa: Mufakkir Samiiik.        Qormooyinkan taxanaha ah, waxaa lagu soo koobayaa nuxurka daraasadda taasoo, muddo 1 sanno socotay, ciddii rabta maraajicda si gaara ayaa loogu sheegi.
thumbnail Title: Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-08T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Aragtida Doobnimada Iyo Aragtida Guurka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 08, 2016 and have 0 comments