Cudurka Macaanka Noocyadiisa (cudurka Sonkorta Dhiiga)

Waa maxay Macaanku?
Macaanku (Diabetes) waa cuduro badan oo dhamaantood keena in sonkortu ku badato dhiiga. Marka laga reebo Macaanka Nooca 2aad waxa kale oo jira Macaanka Nooca 1aad iyo Macaanka ku dhaca dumarka uurka leh. Nooca 2aad ee Macaanku inta badan waxa uu asiibaa dadka qaangaarka ah, waxaana hada ka hor loogu yeedhi jira Xanuunka sonkorta, maadaama ay sonkor badani jirka ku jirto.
Calaamadaha:
Calaamadaha Nooca 2aad ee Macaanku waa inaad dareento.
  1. Daal iyo awood la’aan.
  2. Haraad badan.
  3. Kaadi badan.
  4. Aragtida oo xumaata.
  5. Laga yaabaa inaad hesho hoos cuncun.
  6. Cadho badan.
  7. Kabuubyo gacmaha iyo lugaha.
Nooca 2aad ee Macaanka waxa sare u kaca heerka sonkorta dhiiga mudo sanado gudaheeda.  Sidaa awgeed calaamaduhu si qunyar ayey u yimaadaan ayagood moodo inay kala awood badan yihiin. Dadka qaar ma dareemaan inay leeyihiin Nooca 2aad ee Macaanka sababtoo ah mararka qaar xanuunku ma laha calaamado.
Baadhis iyo raadin:
Si Dhakhtarku u ogaado inaad qabto xanuunka Macaanka Nooca 2aad waa ina lagaa qaadaa dhiig iyo kaadi.
  • Dhiiga P-glucose, waxa uu muujinayaa heerka snkorta dhiigu marayo. P waxa u taagantahay plasma oo ah qayb ka mid ah dhiiga. Glucose waa magac kale oo sonkortu leedahay.
  • Dhiiga HbA1C  waxa uu muujiyaa heerka sonkorta dhiigu maraysay sadexdii bilood ee ugu danbeeyey.
Dhiiga lagaa qaado waxa uu muujiyaa inaad qabto Macaan. Hadii da’daadu ka wayntahay 40 sano oo cid ehelkaaga ka mid ahina leedahay Nooca 2aad ee Macaanka iyo cayilka waxa badanaya jaaniska uu adigana kugu dhici karo Macaanku. Mararka qaar waa inaad dhiig kale lagaa qaado si loo ogaado nooca Macaanka ee aad qabto.
Baadhis dheeraada:
Hadii lagaa helo Macaanka waa lagu sii baadhayaa si loo hubsado inaad leedahay xanuuno kale sida Kolestarool, dhiig karka kuwaas oo ayaguna keena in dux badan ku awdmaan xidida jirka.
Maxaa keena Macaanka Nooca 2aad? Sidaase looga hor tagaa?
Waxa jira waxyaalo badan oo sababi kara cudurka Macaanka, waxa ka mid ah qaar aanad awood u lahayn inaad xakamayso iyo kuwo kale oo la xiriira caafimaadkaaga iyo kuwo aad wax ka badali karto.
Kuwa aanad xukumin:
  • Da’da wixii ka sareeya 45.
  • Ehelkaaga oo qaba Macaanka, sida waalidka, walaashaa ama walaalkaa.
Kuwo kale oo xiriir laleh caafimaadkaaga, oo laga yaabo inuu Dhakhtarku kaa caawiyo.
  • Prediabetes (waa adiga oo halis ugu jira cudurka Macaanka, taas oo macnaheedu yahay in sonkorta dhiigaagu sare u kacsantahay, inta badana dadka leh Macaannka nooca 2aad way lahaayeen )
  • Wadno xanuun.
  • Dhiig karka xitaa hadii la daweeyey ama dawadiisa aad qaadato.
  • Kolestarool
  • Duxda oo jirka ku badan.
  • Cayilka iyo buurnida.
  • Hadii aad uurka ku sido cunug miisaankiisu ka abadanyahay 4kg.
  • Macaanka dumarka Uurka leh.
  • Hadii aad leedahay cudurada khalkhaliya dhiiga caadada (PCOS)
  • Acathosisi Nigricans. Waa xaalad maqaarka Jirka oo ay kazoo baxaan finan madow qoorta iyo kilkilada.
  • Walwalka iyo walbahaarka.
Kuwo aad xukumi karto ama aad wax ka qaban karto
  • Jimicsigaaga oo aad u yar.
  • Cabida sigaarka.
  • Stresska
  • Hurdada oo kugu yar ama kugu badan.

Maxaad Adigu ka qaban kartaa Macaanka?:
Wax badan ayaad ka qaban kartaa Macaanka si aad u dhinto heerka sonkorta dhiiga. Waxa ka mid ah inaad Jirka socodsiiso, cunto fiican cunto sidoo kale inaad joojiso sigaarka. Hadii aad cayilantahay waa inaad Jirka socodsiiso taasina waxay keeni in miisaankaagu hoos u dhaco sidoo kalen aad heerka sonkorta dhiigana hoos u dhigto.
Miisaankaaga dhin: Boqolkiiba 3o hadaad dhinto miisaankaaga Jirka waxay yaranaysaa boqolkiiba 50 in uu kugu dhaco macaanku.
Jimicsi samee: Muruqyada dhaqaaji oo isticmaal Insulinta jirka, hadii aad socoto 30 daqiiqo maalin kasta waxay dhimaysaa sadex meelood oo meel in cudurkan ku asiibo.
Cunto fiican cun. Ka fogow cuntooyinka sonkortu ku badantahay, kuwa duxudu ku badantahay iyo sharaabyada sonkorta badan leh.
Jooji sigaarka: sigaarku xanuuno badan ayuu kugu keenayaa markaa jooji sida ugu dhakhsaha badan adigoo la kaashanaya dhakhtarkaaga.
Indhahaaga baadh: si joogta ah ayaad u baadhaysaa aragtidaada, sababtoo ah sonkorta sare u kacsan waxay waxyeelo u geysanaysaa xididada yaryar ee indhaha.
Daryeel Ilakaha: sababtuna waa sonkorta sare u kacsan oo ilkaha ku samaynkartaa daloolo, iyo in ilkuhu kaasoo dhacaan.
Daryeel cagaha: sonkorta kacsan waxay keentaa in wareega dhiiga ee cagahu xumaadaan, markaa si fudud ayey caguguhu wax u noqon karaan, tusaale ahaan hadaad gashato kabo cagta ka yar dhib ayey keenaysaa. Sidaa awgeed maalin kasta fiiri cagahaaga inaad leedahay nabar iyo inakale, isticmaal kabo ku la’eg ama dabacsan, kana fogow kabaha ku haya. Cagahaaga dhaashi adigoo adeegsanaya kariimyada lugaha sababtoo ah waxay kaa caawinaysaa inaan cagtu qalalin.
Daaweynta:
Waxaad u baahantahay dawooyin isla marka lagaa helo cudurka Macaanka Nooca 2aad, waxa lagu bilaabaa kaniino kala duwan. Kaniinada aad qaadanayso waxay ku xiran yihiin miisaankaagu intuu yahay iyo kalyahaagu siday u shaqaynayaan. Mudo kadib waxaad qaadan Insulin.
Insulin: si loo gaaro heerka caadiga ee sonkorta dhiiga waa inaad qaadataa Insulin, taas oo isu dheeli tiraysa sonkorta dhiiga. Heerka dhiigu gaadhayo waxaad ka wareysan Dhakhtarka. Hadii Insulin aad qaadato waxa haboon in la cabiraa sonkorta dhiiga.

Sonkorta Dhiiga oo hoos u dhacda.

Markaad qaadanayso Insulin ama kaniinada kale ee hoos u dhiga sonkorta dhiiga waxa mararka qaarkood dhici kara in sonkorta dhiigu hoos u dhacdo. Waxa lagu gartaa calaamadahan.

Calaamadaha sonkorta dhiiga oo hoos u dhaca:
  • Dhidid
  • Gariir ama kabuubyo.
  • Wadno garaac.
  • Gaajo iyo baahi aad dareento.
  • Wareer.
  • Warwar iyo cadho.
  • xasilooni la’aan.
  • Hadii uu sonkorta dhiigu aad hoos u dhacdo waxa dhici kara inaad suuxdo ama miyir beesho.
Hadii aad calaamadahan dareento waa inaad cabirtaa dhiiga sonkorta. Markaad ogaato in sonkorta dhiigu hoos u dhacsantahay qaado laba ama sadex qaado oo sonkora, ama koob caanaha iyo cabitaan. Marka calaamadahani ay tagaan waxa fiican inaad cunto cunto tusaale ahaan saandawiij iwm.

Hadii sonokorta dhiigagu hoos u dhacsantahay oo la gaaray xilligii aad qaadanaysay Insulinta ama kaniinada hoos udhiga sonkorta dhiiga ha qaadanin ee sida ugu dhakhsaha badan ula xiriir xarunta caafimaadka ama dhakhtarkaaga, sababtoo ah hadii dhiiga sonkorta oo aad u dhacsan aad qaadato Insulin hoos usii dhigaysa sonkorta dhiiga waxay keeni kartaa dhimasho.

In sonkortu hoos u dhacdo waa nadir laakiin marar ayey timaadaa tusaale ahaan:
  • Hadaad cunto yar cuntay.
  • Matagtay.
  • Calooshu ku socotay.
  • Jimicsi badan sameysay.
  • Khamri badan aad cabtay.

Hadii aad waayeel tahay ood miisaankaagana hoos u dhintay waxa suurta gal in lagaa joojiyo dawooyinka hoos u dhiga sonkorta kacsan ee dhiiga ama ugu yaraan la dhimo heerka dawo ee aad qaadato.